Radio Hormuud Studio 2 Hargeysa/Somaliland

Diri-dhaba(RH)Wararka Naga soo gaadhaya magaalada Diri-dhabe ee Dalka Ethiopia ayaa sheegaya inay maanta rabshado ka Bilowdeen Xaafado ka mida Magaalada Diri-dhabe

Rabshadahan ayaa ah kuwo u dhaxeeya dhallinyaro Soomaali ah iyo qaar ka soo jeeda qowmiyada Oromada ,waxaana la sheegayaa  inay Rabshaduhu  ku fideen meelo kale  oo ka mida Gudaha Diri-dhabe sida xaafad la yiraahdo Xaafad Ciise.

Boorama(RH)Madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi Cabdi iyo  Wafti Uu Hogaaminayo ayaa maanta Safar Ugu baxay Magaalada Boorama ee Xarunta Gobolka Awdal.

Madaxweynaha iyo Waftigiisa ayaa u jeedada Safarkoodu la xidhaadhaa Sidii ay uga qaybgali-lahaayeen Xaflad loo qabanayo Arday ka qalinjabisay Jaamacada Camuud ee Magaalada Boorama.

Hargeysa(RH)Xukuumadda Jamhuuriyadda Somaliland, ayaa jawaab ka bixisay mowqifka xisbiga WADDANI oo muran ka keenay sharciyada guddida doorashooyinka Somaliland Warsaxaafadeed ka  soo baxay xafiiska Wasiirka Warfaafinta, Dhaqanka iyo wacyigelinta Somaliland Md. Cabdiraxmaan Cabdilaahi Faarax (Guri-barwaaqo) ayaa u dhignaa sidan:-

Hargeysa(RH)Baanka Dhexe ee Somaliland ayaa ka warbixiyey kor u kac ku yimid  qiimaha Shilling-ka Somaliland, iyaga oo is bar-bar dhig ku sameeyey waddamada Sicir bararku uu ka jiro iyo sababaha keenay  hoos u dhaca iyo kor u kaca lacagaha.

Sidaasina waxaa lagu sheegay Warsaxaafadeed uu soo saaray Guddoomiyaha Baanka dhexe ee Somaliland Cali Ibraahim Jaamac ( Baqdaadi) Oo u dhignaa  sidan:-

 

Hargeysa(RH)Ciidamada Dab-damiska  Qaranka  ee caasimadda Hargeysa  ayaa ku guulaystay  in ay badbaadiyaan 17 qof  oo la socday gaadhi  noociisu Shaamboo yahay , kaas oo geed weyn  ku jiidhay  Deegaanka Uubaale ee Koonfurta Caasimada Hargeysa, iyadoo  ay afar qof  ku xanibmeen shidhka gaadhigaas,

Hargeysa(RH)Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane. Muuse Biixi Cabdi isagoo ku hadlaya magaciisa, ka dawladda iyo ka shacbiga Somaliland, waxa uu tacsi u dirayaa, shacbiga gobolka Buuhoodle, iyo dhamaan shacbi weynaha reer Somaliland, gaar ahaan  qoysaska, ehellada, qaraabada, asxaabta ay ka baxeen dadkii ku geeriyooday qaraxii xalay ka dhacay Magaalo madaxda gobolka Buuhoodle ee ay ku naf waayeen muwaadiniin reer Somaliland ah.