Ciidanka Dabdamiska  Somaliland Oo Badbaadiyey 17 Qof

Hargeysa(RH)Ciidamada Dab-damiska  Qaranka  ee caasimadda Hargeysa  ayaa ku guulaystay  in ay badbaadiyaan 17 qof  oo la socday gaadhi  noociisu Shaamboo yahay , kaas oo geed weyn  ku jiidhay  Deegaanka Uubaale ee Koonfurta Caasimada Hargeysa, iyadoo  ay afar qof  ku xanibmeen shidhka gaadhigaas,

Taliska Ciidammada Dabdamiska  oo ka warbixiyey  dhacdadaasi ayaa sheegay in ay  ku guulaysteen badbaadinta afartaas qof ee  uu ku xidhmay shidhka gaadhigaasi, iyaga oo isticmaalaayey qalabkooda badbaadada.

Taliyaha Ciidammada Dab Damiska Qaranka Sareeye Guuto Axmed Maxamed  Xasan (Sawaaxili) ayaa  uga digay  wadayaasha gaadiidka iyo rakaabka saaranba, isaga oo kula taliyey in ay xil weyn iska saaraan dadkaasi saaran gawaadhida.

Waxa kale oo uu digniin u diray wadeyaasha  baabuurtooda marinaya dooxyadda  xiliyadda ay daadadku marayaan, kuwaas oo khasaare badani  ka dhashay, waxaanu sheegay in sharciga lala tiigsan doono  cidii ka dhego adaygta.

 

Category