Madaxweynaha Somaliland iyo Wafti Uu Hogaaminayo Oo Safar Ugu Baxay Boorama

Boorama(RH)Madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi Cabdi iyo  Wafti Uu Hogaaminayo ayaa maanta Safar Ugu baxay Magaalada Boorama ee Xarunta Gobolka Awdal.

Madaxweynaha iyo Waftigiisa ayaa u jeedada Safarkoodu la xidhaadhaa Sidii ay uga qaybgali-lahaayeen Xaflad loo qabanayo Arday ka qalinjabisay Jaamacada Camuud ee Magaalada Boorama.

Madaxweynaha iyo waftigiisa ayaa lagu wadaa intay joogaan Magaalada Boorama inay kulamo kala duwan la yeeshaan Waxgaradka Gobolka Awdal,sidoo kalana soo Kormeeraan Xarumaha kala duwan ee Dowlada ee Magaalada Boorama.

Madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi Cabdi ayaa waxaa safarkiisa ku wehelinaya Xubno ka mida Xukuumadiisa ,waxaanu Safarkani Noqonayaa kii  Ugu Horeeyey ee ku tago Gobolka Awdal tan iyo intii uu ku Guuleystay Xukunka Dalka

 

 

 

Category