SAWIRRO: Wafdi hordhac u ah safarka RW Xamse oo tegay Laasacaanood

Laasacaanood (RH)-Magaalada Laasacaanood ee xarunta gobolka Sabool, waxaa maanta oo Jimco ah tegay wafdu hordhac u ah booqashada ra'iisal wasaaraha uu jku tegayo magaaladaas.

Mdaxweynaha SSC-Khaatumo Cabdiqaadir Axmed Aw-Cali (Firdhiye) ayaa maanta barqadii xarunta madaxtooyada ku soo dhaweeyay wafti iskugu jira wasiiro, xilldhibaano, iyo madax kale oo hordhac u ah safarka Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya.

Magaalada Laasacaanood ayaa si wayn looga dareemayaa soo dhawaynta wafdiga ra'iisal wasaaraha, waxaana magaalada lagu dhajiyay sawirrada ra'iisal wasaaraha.

Ammaanka magaalada ayaa aad loo adkeeyay, waxaana magaalada lagu arkayaa ciidamo fara badan.

Illaa hadda lama sheegin xilliga ra'iisal wasaaraha uu tegayo magaalada, waxaana haddii uu tego uu noqon doonaa ra'iisal wasaarihii ugu ebid ee taga magaaladaas.

Wafdi hordhac u ah booqashada raysal wasaaraha oo tegay LaasacaanoodWafdi hordhac u ah booqashada raysal wasaaraha oo tegay LaasacaanoodWafdi hordhac u ah booqashada raysal wasaaraha oo tegay LaasacaanoodWafdi hordhac u ah booqashada raysal wasaaraha oo tegay Laasacaanood

Radio Hormuud

Studio 3

Mogadishu Somalia

Category