Radio Hormuud Studio 2 Hargeysa/Somaliland

Hargeysa(RH)Guddida heer qaran ee Jamhuuriyadda Somaliland u xil-saartay  u diyaar-garowga iyo ka hortagga Xannuunka COVID19, ayaa xidhay xadka dhulka ah ee Somaliland  la leedahay Itoobiya, Jabuuti iyo Soomaaliya.

Guddidu waxay sidaas ku sheegtay warsaxaafadeed xambaarsan go’aanno muhiim ah oo ay maanta soo saartay, kaasi oo nuqul ka mid ahi soo gaadhay Xafiiska Warqabadka Radio Hormuud, waxaanu u Dhigaa sidan:-

Hargeysa(RH)Gudoomiyaha xisbiga UCID In. Faysal Cali Waraabe ayaa xukuumadda Somaliland u soo jeediyey in ay feejignaan dheeriya ka yeelato xuduudaha ay la leedahay dalka aynu jaarka nahay ee Itoobiya.

Sido kale waxaa uu gudoomiyaha xisbiga UCID soo jeediyey in ama rakaabka diyaarada Itoobiyaan Airline la karantinimeeyo muddo 14-cisho sida, ama la joojiyo guud ahaan duulimaadyadeeda ay Somaliland ku iman jirtay.

Hargeysa(RH)Magaalooyinka Waaweyn Ee Somaliland waxaa laga Fuliyey Olole Nadaafadeed oo Balaadhan .

Bulshada kala duwan ee ku dhaqan magaalada Boorama ee Xarunta Gobolka Awdal ayaa Ololahaas waxa kala qaybgalay Maayarka magaalada Boorama xubno kamid ah xildhibaanada golaha deegaanka Masuuliyiinta laamaha dawladda ee gobolka iyo  shirkadaha nadaafadda.

Hargeysa(RH)Guddida heer qaran ee Jamhuuriyadda Somaliland u qaabilsan  u diyaargarowga iyo ka hortagga xannuunka Coronavirus ayaa soo saaray Awaamiir ka kooban Siddeed Qoddob oo ay fareen Guddiyada heer gobol ee u diyaar-garowga iyo ka hortagga Xannuunka Coronavirus.

Sidaasna waxa lagu sheegay qoraal Guddidau diyaargarowga iyo ka hortagga xannuunka Coronavirus JSL ay soo saareen Oo u dhignaa sidan:-

Hargeysa(RH)Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland,  ahna taliyaha guud ee ciidanka qalabka sida, Mudane Muuse Biixi Cabdi, ayaa maanta kormeer isugu jira wacyigelin iyo kormeer ku tegay taliska guud ee ciidanka qaranka iyo xerada ciidanka ee Birjeed, isaga oo sidoo kale dhammaanba ciidamada kala duwan ee qalabka sidana geliyey heegan buuxa, xaaladda kasoo korodhay xanuunka CORONA VIRUS oo ah masiibo cusub oo dunida kusoo korodhay.