Radio Hormuud Studio 2 Hargeysa/Somaliland

Hargeysa(RH):-Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi oo ay hareero joogaan shir-guddoonka goleyaasha guurtida iyo wakiillada,  Mudane Saleebaan Maxamuud Aadan iyo Mudane Baashe Maxamed Faarax iyo guddoomiyeyaasha axsaabta mucaaridka ah ee WADDANI iyo UCID, Mudane Cabdiraxmaan Maxamed Cabdilaahi (Cirro) iyo Eng.

Hargeysa(RH)Wasaaradda Horumarinta caafimaadka Wasaaradda Caafimaadka Somaliland ayaa Daah-furtay Nidaam Casri ah oo Loo Diiwaangelinayo Mihnadleyaasha Caafimaadka Jamhuuriyadda Somaliland ee ku sugan gobollada iyo degmooyinka dalka, kuwaas oo si mutadawacnimo ah uga qayb-qaadan doona ka hor-tagga iyo u diyaargarowga xanuunka COVID-19.

 

Hargeysa(RH)Dawladda Imaaraadka Carabta ayaa maanta mucaawinadii ugu horaysay ee gurmadka xanuunka Coronavirus soo gaadhsiisay Jamhuuriyadda Somaliland,

Maanta galinkii hore ayaa waxaa Garoonka diyaaraha ee Cigaal International Airport Ee Magaalada Hargeysa ka soo degtay Diyaarada nooca Xamuulka qaada ah oo ka timi Waddanka Imaaraadka, islamarkaana siday mucaawino caafimaad oo isagu jirta Dawooyin iyo qalab lagaga hortago  xanuunka Covid 19.

Hargeysa(RH)Wasiirka Wasaaradda arrimaha gudaha Somaliland Maxamed Kaahin Axmed  oo xubin ka ah guddida u diyaar garowga iyo ka hortaga cudurka COVID-19  ayaa sheegay in ay talaabo adag ka qaadayaan ganacsatada aan weli u hoggaansamin amarada Gudida  “garoomada gaarka loo leeyahay hadda wargelin mayno in la xidho waayo hore ayaa xidha loo yidhi , hadda waxa lasoo qabanayaa mulkilayaasha  , hadda waxa aan amar ku bixinaynaa in lasoo qabto dadkii meheradaha ganasi ee bulshadu iskugu timaado dib u furay”

Hargeysa(RH):- Qaar ka mida golaha wasiiradda Somaliland ayaa maanta ku shiray Hab Online ah, cabsida Coronaha Awgiis, waxayna ka wada-hadleen ka hortaga Xanuunka Covid-19.

Wasiirka Tiknoolajiyada Somaliland Cabdiwali Sheekh  Cabdillaahi Suufi ayaa maanta daah-furay Shirkaasi Golaha wasiiradda Somaliland ee maanta ku qabsoomay Habka  Online ah.

Hargeysa(RH)Wasiirka Wasaarada Gaashaandhigga Eng. Cabdiqani Maxamud Cateeye Fariid ayaa booqday Xarunta Hawl-galka Ciidamada Qaranka ee Diyaargarowga iyo Ka-hortaga cudurka safmarka ah ee COVID19.

Wasiirka ayaa halkaa warbixin kaga dhegaystay Abaandulaha Ciidanka Qaranka Gen. Cabdirisaaq Siciid Bulaale Afgudud oo ay wehelinayaan Taliye Ku-xigeenada Ciidamada Ilaalada Xeebaha Badda, Asluubta, Booliska, Laanta Socdaalka iyo Taliyaha Ciidanka Dab-demiska.

Hargeysa(RH)Af-hayeenka Madaxweynaha Somaliland Maxamuud Warsame Jaamac ayaa markii ugu horeysay ka hadley  karantiil uu sheegay inuu isgaliyey muddo 14-cisho ah .

Af-hayeenka Madaxweynaha Somaliland Maxamuud Warsame Jaamac  waxaa uu sheegay isaga oo ka duulaya go’aankii guddida in uu isagu si iskii ah isu karantiiley, maada uu soo maray garoono diyaaradeed oo mashquul badan ka dib mar kuu ka soo laabtey Safar mudo qaatey oo uu ku Tagay Dalka ingiriiska 

Hargaysa(RH) :- Agaasimaha guud ee wasaaradda horumarinta caafimaadka Somaliland Maxamed Cabdi Xergeeye oo warbaahinta la Hadley ayaa si kooban uga warbixiyey xaaladahii ugu dambeeyay ee xanuunka Coronavirus.

 

Maxamed Cabdi Xergeeye waxa uu sheegay in ilaa hadda kiisaska la xaqiijiyay xanuunka corona ee Somaliland ay yihiin laba qof kuwaas oo xaaladoodu hadda fiican tahay oo caafimaad qabaan.

 

Hargeysa(RH)Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi waxa uu wareegto madaxweyne oo summadeedu tahay JSL/XM/WM/222-495/042020, Cafis Guud ugu fidiyey Maxaabiista dembiyada aan aadka u cuslayn ku xukuman ee xabsiyada dalka ku xidhan. 

Waxaanay u dhignayd Wareegtada Madaxweynuhu Sidan:-