Magaalooyinka Waaweyn ee Somaliland Oo laga Sameeyay Olole Nadaafadeed

Hargeysa(RH)Magaalooyinka Waaweyn Ee Somaliland waxaa laga Fuliyey Olole Nadaafadeed oo Balaadhan .

Bulshada kala duwan ee ku dhaqan magaalada Boorama ee Xarunta Gobolka Awdal ayaa Ololahaas waxa kala qaybgalay Maayarka magaalada Boorama xubno kamid ah xildhibaanada golaha deegaanka Masuuliyiinta laamaha dawladda ee gobolka iyo  shirkadaha nadaafadda.

Ololahaas ayaa looga gol lahaa sidii kor loogu qaadi lahaa badqabka bulshada iyo bilicda magaalada Boorama iyo sidii looga hortagi lahaa cudurka Corona virus.

Masuuliyiintii magaalada Boorama oo shacabka la hadlay ayaa ku booriyay inay kor u qaadaan nadaafadda iyo bilicda magalaada iyagoo usoo jeediyay in la joogteeyo Ololaha nadaafadda ee gobolka si looga hortago caafimaad darada.

Sidoo kale  Masuuliyiinta dawladda hoose ee Berbera ayaa magaaladaas ka bilaabay olole nadaafadeed oo lagaga hortagayo saxa xumada.

Shacabka magaalada Berbera waxa ololahaas nadafadeed kala qayb qaatay duqa Berbera iyo xoghaya fulinta dawladda hoose.

Masuuliyiinta ayaa balan qaaday inay dawladda hoose ee Berbera joogtayn doonto ololaha dhanka nadaafadda ee lagu hagaajinayo saxada iyo bilicda magaalada waxanay shacabka usoo jeediyeen inay kala qayb qaataan ololahaasi.

 

Category