Radio Hormuud Studio 2 Hargeysa/Somaliland

Hargeysa(RH):-Guddoomiyaha maxkamadda sare ee Jamhuuriyadda Somaliland, Garyaqaan Aadan Xaaji Cali Axmed, ayaa maanta madaxweynaha Jamhuuriyadda Somailand, Mudane Muuse Biixi Cabdi hortiisa ku dhaariyey labadii xubnood ee Komishanka doorashooyinka qaranka ka dhinnaa ee ka socday labada xisbi mucaarid ee Ucid Iyo Waddani.

Hargeysa(RH)Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi waxa uu wareegtooyin madaxweyne oo summadoodu kala tahay JSL/XM/XKQ/222/1-530/062020 iyo JSL/XM/WM/222-531/062020, uu xilalkii kaga qaaday kuwa kalena ugu magacaabay gudoomiyeyaasha Gobolada Dalka qaar ka mida, sidoo kalena uu ku sameeyey bedel.

Waxaanay u dhignaayeen Wareegtooyinkaasi Madaxweynuhu Sidan:-

Hargeysa(RH):-Xukuumada Somaliland ayaa Maanta Siidaysay laba hablood oo fanaaniin ah, oo muddo laba bilood ka badan ku xidhnaa Xabsiga Dhexe ee magaalada Hargeysa.

Labada Hablood ee fannaaniinta ah oo kala ah Xamda Qaali iyo Barwaaqo-qalanjo ayaa ciidammada Booliska ee Somaliland xabsiga u taxaabeen, ka dib markii ay ka soo laabteen magaalada Muqdisho oo ay ku tageen safar Faneed.

Hargeysa(RH):-Wasiirka Wasaaradda Tamarta & Macdanta ee Jamhuuriyadda Somaliland Md. jaamac Xaaji  Maxamuud Cigaal Ayaa Warsaxaafadeed uu Soo Saaray Awaamiir culus faray qaar ka mid ah Shirkadaha laydhka ee gobollada dalka qaarkood.

 

War-saxaafadeedkan ka soo baxay Xafiiska Wasiirka Wasaaradda Tamarta & Macdanta JSL Oo Nuqul ka mid ahi soo gaadhay Xafiiska Warqabadka Radio Hormuud ayaa u dhignaa Sidan:-

Hargeysa(RH)Xukuumadda Somaliland ayaa Maanta si Rasmi ah Xayiraadii Uga qaaday dhammaan xayiraadiihii ay ku soo rogtay Dalka ee lagaga hortagayay faafitaanka  Xanuunka CoronaVirus.

 

Xukuumadda Somaliland  Waxyaabaha ay fasaxday waxaa ka mid ah Duullimaayada Diyaaradaha, Ciyaaraha, Waxbarashada, Hotelada iyo Dhammaan waxkasta oo hore loo joojiyay.

Hargeysa(RH):-Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi waxa uu wareegto madaxweyne oo summadeedu tahay JSL/XM/WM/222-521/062020, ku magacaabay Guddoomiyaha Gobolka Togdheer.

 

Waxaanay u dhignayd Wareegtada Madaxweynuhu Sidan:-

 

Wareegto Madaxweyne

Markaan Arkay: Dastuurka Jamhuuriyadda Somaliland, Qodobka 90aad;

Hargeysa(RH)Allah Ha U Naxariistee qofkii 28aad ayaa Gudaha Somaliland Ugu Geeriyooday Xanuunka Coronavirus sida ay Maanta Xaqiijisay Wasaarada Horumarinta Caafimaadka Somaliland 

 

Sidoo kale Wasaarada Caafimaadka Somaliland   waxay  sheegtey baadhitaano lagu sameeyay 103 qof in 15 qof oo cusub laga helay Xanuunka Covid-19  waxayna kala yihiin 12 Rag ah iyo 3 Dumar ah.