Radio Hormuud Studio 2 Hargeysa/Somaliland

Hargeysa(RH):-Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi iyo weftigii ballaadhnaa ee uu hoggaaminayey ee ka qayb-galay Shirkii wada-hadallada u dhexeeyey Somaliland iyo Soomaaliya ee dalka Jabuuti ka qabsoomay, ayaa maanta dalka Dib ugu soo laabtay, waxana si aan kala hadh lahayn usoo dhaweeyey shacabka ku dhaqan degmooyinka kala duwan ee caasimadda Hargeysa.

Boorama(RH):-Wasaaradda Horumarinta beeraha Somaliland ayaa maanta hawlo Ayax buufin ah ka fulisay deegaamo ka tirsan gobolka Awdal oo si xun u aafeeyay Ayax beryahanba goboladda dalka ku habsaday.

Buufinta Ayaxa ee ay wasaaradda beeruhu ka fulisay gobolka Awdal ayaa noqonaysa wejigii koowaad ee la dagaalanka Ayaxa, taasoo qayb ka ah xakamaynta Ayaxan dilaacay.

Hargeysa(RH)Saameynta dhaqaale ee xannuunka Covid-19 uu ku yeelanayo bulshada danyarta ah dhexdeeda ayaa ah mid hada looga  dareemayo Gudaha Somaliland, maadama dadkani intooda badan ay qabtaan shaqooyin yar yar oo ay ku maareeyn jireen noloshooda, kadib xayiraddaha la xidhiidha xannuunka safmareenka ah ee Covid-19.

Hargeysa(RH)Waxaa Maanta imtixaanka u billaabmay ardeyda ku jirta sannadka u danbeeyay ee jaamacadda Hargeysa.

Dhammaanba ardeydii u fadhiisatay imtixaanka saaka, ayaa fuliyey go’aamadii guddida covid-19, ee ahaa xidhashada Af-saabka, Gacmo-gashiga, iyo kala fogaanshiyaha.

Hargeysa(RH)Wasiirka Wasaaradda Arrimaha dibedda Somaliland, Prof. Yaasiin Xaaji Maxamuux Xiir (Faratoon) ayaa ka jawaabay hadal ka soo yeedhay Dhiiggiisa Soomaaliya Axmed Ciise Cawed.

Wasiir Cawed ayaa shalay sheegay in DP World oo Maalgelin ka wadda Somaliland ay dhibaato ku hayso Soomaaliya, sida Faro-gelin, sidaasi darteed ay dalka ka saarayaan.