Warbixinihii Ugu Dambeeyey Ee Xaaladaha Covid-19 Ee Somaliland

Hargeysa(RH)Allah Ha U Naxariistee qofkii 28aad ayaa Gudaha Somaliland Ugu Geeriyooday Xanuunka Coronavirus sida ay Maanta Xaqiijisay Wasaarada Horumarinta Caafimaadka Somaliland 

 

Sidoo kale Wasaarada Caafimaadka Somaliland   waxay  sheegtey baadhitaano lagu sameeyay 103 qof in 15 qof oo cusub laga helay Xanuunka Covid-19  waxayna kala yihiin 12 Rag ah iyo 3 Dumar ah.

Bukaanada Cusub ayaa waxay Dhalasho ahaan ka soo jeedaan 8 qof Somalilander ah iyo 7 Qof oo Ajanabi ah. Waxayna kala Joogaan Borama 8 qof,Berbera  7 qof isla markaasina waxay Da”doodu u dhaxaysaa 10 jir  ilaa 89 jir

 

Wadarta Guud Ee Xanuunka Laga Helay Somaliland ayaa ah 656 Qof

Wadarta Guud Ee Xiligan Xunuunku Hayo ayaa 504 Bukaan

Wadarta Guud Ee Xanunka Ka Bogsatay: ayaa ah 128 Qof

Wadarta Guud Ee Xanuunka U Dhimatay ayaa Ah 28 Marxuum

 

c

 

Category