DAAWO: sida raysal wasaare Xamse loogu soo dhaweeyay Laasacaanood

Lasaacaanood (RH)-Ra’iisul Wasaaraha dowladda Soomaaliya, Xamsa Cabdi Barre, iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa si diirran loogu soo dhaweeyay magaalada Laascaanood ee xarunta Gobolka Sool ahna caasimadda Maamulka SSC-Khaatumo.

Ra’iisul Wasaaraha, ayaa markii uu ka degay garoonka Diyaaradaha ee magaalada Laascaanood, waxaa halkaas kusoo dhoweeyay masuulliyiin ka tirsan Dowladda Federaalka Soomaaliya, Hoggaamiyaha Maamulka SSC-Khaatumo, Saraakiil ciidan iyo boqolaal dadweyne ah oo muujinayey taageeradooda ku aaddan booqashada Ra’iisul Wasaare Xamsa Cabdi Barre.

Ra’iisul Wasaare Xamsa, ayaa kumanyaal shacabka Laascaanood ah kula hadlay garoonka,

Waxa uu uga mahadceliyey soo dhowaynta milgaha iyo maamuuska leh ee ay ku qaabileen, isaga oo ku tilmaamay in ay astaan u yihiin midnimada iyo wadajirka Shacabka Soomaaliyeed marwalbana ay difaacan Qaranimada.

 Xamsa Cabdi Barre oo tegay Laasacaanood Xamsa Cabdi Barre oo tegay Laasacaanood Xamsa Cabdi Barre oo tegay Laasacaanood Xamsa Cabdi Barre oo tegay Laasacaanood Xamsa Cabdi Barre oo tegay Laasacaanood Xamsa Cabdi Barre oo tegay Laasacaanood Xamsa Cabdi Barre oo tegay Laasacaanood Xamsa Cabdi Barre oo tegay Laasacaanood

Radio Hormuud

Studio 3

Laasacaanood 

Category