Radio Hormuud Studio 2 Hargeysa/Somaliland

Hargeysa(RH)Kal-fadhigii 21-aad ee golaha wasiirradda Jamhuuriyadda Somaliland oo uu shir gudoominayey Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi oo uu wehelinaayey Madaxweyne ku xigeenka Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Cabdiraxmaan Cabdilaahi Ismaaciil (Saylici)
 

Ceerigaabo(RH)Madaxweynaha Puntland Cabdiweli Maxamed Cali Gaas iyo wafti balaadhan oo uu hogaaminayo ayaa socdaalo ku maraya Deegaano Ka Tirsan Gobolka Sanaag.

Gaas iyo waftigiisa oo soo gaadhay Magaaladda Cawsane oo ka tirsan Gobolka Sanaag waxayna Khubad u jeediyeen Bulshada Deegaankaasi ku Nool.

Jabouti(RH)Dawladda Jabuuti Ayaa waxay iska fogeysay eedo caalami ah dhawaan loo jeediyey oo la xidhiidha in xubno ka mid ah dawlad, ganacsato iyo shirkaddo kontarabaan ah oo laga leeyahay dalka Jabuuti hub sharci darro ah geliyaan Soomaaliya.

 

Warbixin ay soo saartay shirkadda laga leeyahay dalka Ingiriiska ee EXX Africa, ayay ku sheegtay in saraakiil ka mid ah dawladda, ganacsato iyo xubno kale ay si dadban hub sharci-darro ah ku geliyaan suuqyada Soomaaliya.

 

Hargeysa(RH)Xildhibaan Siciid Maxamed Cilmi iyo xildhibaan Axmed Maxamed Diiriye Nacnac kana mida mudanayaasha golaha wakiiladda Somaliland gaar ahaan gudidda dhaqaalaha ee golahaasi ayaa meel adag iska taagay laba digreeto oo wasiirka maaliyadda mudane Yuusuf Maxamed Cabdi ugudbiyay madaxweynaha qaranka Somaliland.

Waxaanay xildhibaanadani sheegeen in labadan digreeto ay yihiin qaar sharciga ka hor imanaya oo baalmarsan nidaamka dalka.

Hargeysa(RH)Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi, ayaa shahaado-sharafeeddo ku maamuusay lix sarkaal oo  kasoo qalin-jabiyey jaamacado dibadda ah, kuwaas oo qaarkood kaalmo sare ka galeen jaamacadihii ay wax kasoo barteen.