Hargeysa(RH)Gudoomiyaha Maxkamadda Sare ee JSL, ahna Gudoomiyaha Guddiga Caddaaladda Prof Adan Xaaji Cali ayaa caddeeyey inay marwalba difaacaan Xuquuqa Aadanaha iyo Xoriyaadka, oo lafdhabar u ah Nabadda, xasilloonida, Horumarka iyo Aqoonsiga.
Prof. Adan X Cali oo magaalada Hargeysa maanta ka furay kulan sare loogu qaadayo helitaanka Adeegyada Caddaaladdeed ee Somaliland oo saddex maalmood socon doona, wadajir-na u soo qabanqaabiyeen Maxkamadda Sare & Xarunta Xaquuqul-insaanka ee Somaliland ayey ka soo qeybgaleen Wasiirka Caddaaladda Md. Cabdiqani, Xeer-ilaaliye-xigeenka Somaliland iyo xubno ka socday Bahda Caddaaladda, Ururada Bulshada Maxaliga iyo Kuwa Caalamiga ee dalka jooga.
Kulankan iyo ujeedooyinka loo soo qabanqaabiyey oo Gudoomiyaha Xarunta Xuquuqal-insaanka Somaliland (HRCSomaliland) Mr. Guuleed Axmed Jaamac (Dalfac) ka hadlay ayuu sheegay in kulankani ka dhashay wada xaajoodyo lagu horumarinayo hanaanka caddaaladda Somaliland, waxaanu yidhi,
“Arrinkani waxuu ka dhashay kulamo Ururada Maxaligu kala yeesheen bulshada Somaliland dhinacyada ay ka xiisaynayaan Yoolalka Horumar-waara (Sustainable Development Goals) ee aduunku sameeyey, natiijooyinkii ka soo baxay noqday helitaanka Caddaalada, taasoo muujisay in bulshadu fahmeen xidhiidhka ka dhexeeya helitaanka caddaalada iyo horumar-waara. Taasina waxay muujinaysaa yididiilo badan oo muujinaysa heerka dareenka shacabku gaadhsiisan yahay.
Mr. Guuleed oo ka hadlayey muhiimada kulanka iyo dhinacyada ka soo qeybgalay ayuu sheegay inay saadaalinayaan in talooyin wax-ku-ool ah ka soo baxaan, waxaanu yidhi,
“Kulankan dad kala duwan ayaa ka soo qeybgalay, waa Bulshada rayidka ah, Jaamacadihii, xubno Gobolada dalka ka yimi, Garsoorkii, Xukuumada, iyo ururada caalamiga ee innaga taageerad dhinaca caddaaladda, waana muhiim inaynu wada ogaano in helitaanka caddaaladdu, keliya ku koobnayn u-garsoorida laba qof, balse fure u yahay in dalku helo horumar, maalgashi shisheeye iyo wax badan oo faa’iido ah.
Ms. Katherine Robinson oo safaarada Ingiriiska ee Kenya ka socotay oo weedho kooban ka jeedisay kulanka ayaa amaantay muhiimadiisa, waxaanay tidhi,
“Taageerada Ingiriiska ee horumarinta caddaaladdu muhiimadeeda koowaad waa in in sare loo qaado sidii bulshada Somaliland dhamaantood u heli lahaayeen adeega caddaaladda.”
Mr Xuseen Belel, Ku-xigeenka Garyaqaanka Guud ee Somaliland ayaa sheegay in helitaanka caddaaladda shardi u tahay ku dhaqanka shuruucda, waxaanu yidhi,
“Helitaanka caddaaladda waxa shardi u ah ku-dhaqanka shuruucda, taasoo wax walboo kale soo hoosgelayaan.
Gudoomiyaha daladda SONSAF Mr. Anwar Warsame oo kulanka ka hadlay ayaa sheegay in dhibaatooyinka baddi bulshadu la kulanto ka mid yihiin khilaafyada dhulka, waxaanu yidhi,
“Dhibaatooyinka bulshadu la kulmaan waxa ugu badan khilaafaafka dhulka, taasoo natiijadeedu ku dambayso haddba in ka jeebka roon ku guulaysto kiiskii maxkamada, iyadoo laaluush ama farsamooyin kale adeegsanaya, halkaana qofkii jilicsanaa, caddaaladii ku waayo, dulmina ka dhasho. Waxaan qabaa in tayeynta garsoorka iyo qareenadu qeyb libaax ka tahay in helitaankii caddaaladda lagu dhowaado.
Wasiirka Caddaaladda Md. Cabdiqani Maxamuud Caateeye, oo hadal ka jeediyey kulankii maanta ayaa amaanay kulankan lagu tayaynayo, isla markaana sheegay in ku dhaqanka shuruucdu muhiimada koowaad u tahay, waxaanu yidhi,“Isku xukunka sharcigu waa inuu marwalba sarreeyo, oo loogu dhaqmo siduu yahay.”
Gudoomiyaha Maxkamadda Sare JSL ahna Gudoomiyaha Guddiga Caddaaladda Prof Adan Xaaji Cali oo kulankan si rasmi ah u furay ayaa kula dardaarmay ka qeybgalayaasha inay ka soo saaraan talooyin waxtar u noqda bulshada, waxaanu yidhi,
“Laf-dhabata helitaanka Caddaaladdu, difaaciisa, ama xuquuqahoo la difaaco waxay taalaa garsoorayaasha gacmahooda, waxa kaloo kaalin muhiim ah ka ciyaara Wasaarada caddaaladda oo door ilaalineed ku leh. Dadka xabsiyada ku jira ma helaan hab-dhaqan fiican, xuquuqahii ay u baahnaayeen, hadday salad tukanayaan, sida fiican ee loola dhaqmayo, dushana kala socoto.
Prof Adan X Cali ayaa sheegay inay u taagan yihiin difaacida Xuquuqal-insaanka iyo Xoriyadda, waxaanu yidhi,“Had iyo jeer waxaanu difaacnaa xuquuqda aadanaha iyo xorriyadda. Waxay aasaas u yihiin Nabadda, Xasilloonida, Horumarinta iyo Aqoonsiga. Waxaan u samaynay ururrada xuquuqda aadanaha iyo bulshada rayidka ah saaxad ay ku hawlgalaan. Shaqadayadu waa difaacida xuquuqda aadanaha.