Radio Hormuud Studio 2 Hargeysa/Somaliland

Hargeysa(RH)Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi,  ayaa baaq nabadeed u diray beelaha walaalaha ah ee dirirtu ku dhex martay  koonfurta gobolka Sool,  gaar ahaan deegaanka Dhumay.

Dagaalka dhumay ee wakhtigani maaha mid la aqbali karo, mana aha macquul in la daadiyo dhiigga dadka muslinka ah, sidaa awgeed waxa aan ugu baaqayaa kuwa colaadda hurinaya inay ka waantoobaan oo ay u tudhaan dadkooda maatida ah ee aan  waxba galabsan iyo aakhiradooda.

Hargeys(RH)Madaxweynaha jamhuuriyadda Somaliland , Muuse Biixi Cabdi ayaa Dalacsiiyey 8 sarkaal oo ka mid ah ciidanka qaranka Somaliland

Saraakishan ayaa isugu jiray dhakhaatir iyo qaar ku takhasuusay qaybaha kala duwan ee ciidanka mellateriga  taliyaha ciidanka qaranka Somaliland , Sareeyo gaas Nuux Ismaacil Taani ayaa saraakiishaa la dalacsiiyey garbahooda ku tolay Darajadii ay mutaysteen.

Hargeysa(RH)Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi, ayaa  bulshada si waafi ah ula wadaagay xaaladda guud ee dalka, horumarka la gaadhay, isaga oo sidoo kalena deedafeeyey eedaymo aan sal lahayn oo hoggaanka axsaabta mucaaridku ku wiiqayaan midminada iyo wada-jirka shacabka, isla-markaana ku dabrayaan geeddi-socodka Dimuqraaddiyadeed ee dalka.

 

Hargeysa(RH)Kal-fadhigii 23-aad ee golaha wasiirradda Jamhuuriyadda Somaliland, oo uu shir gudoominayey Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi, oo uu wehelinaayey madaxweyne ku xigeenka Somaliland, Mudane Cabdiraxmaan Cabdilaahi Ismaaciil (Saylici) ayaa maanta oo ay taariikhdu tahay 18/10/2018, waxa lagaga dooday arrimaha amniga, waxbarashada iyo macdanta & tamarta, iyadoo goluhuna warbiximo ka dhegeysteen, wasiirada, arrimaha gudaha, waxbaras

Hargeysa(RH)Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi waxa uu wareegto madaxweyne oo summadeedu tahay JSL/XM/WM/222-215/102018, ku magacaabay Xubnaha Komishanka Maamul-wanaaga.

 

Hargeysa(RH)Wasiirka wasaaradda horumarinta beeraha Somaliland Mudane, Axmed Muumin Seed, agaasimaha guud ee wasaaraddaasi Dr. Axmed Cali Maax, iyo agaasime-waaxeedyada beeraha, ayaa ka qayb-galay dood cilmiyeed ku saabsan horumarinta beeraha.

Dood-cilmiyeedkan oo dhex maray ardayda jaamacadda Gollis ee ku hawlan barashada cilmiga beeraha iyo masuuliyiinta wasaaradda horumarinta beeraha ayaa waxa la isku waydaarsaday aragtiyo ku arooraya horumar laga gaadho wax soo-saarka.

Hargeysa(RH)Warar xog-ogaal ah ayaa sheegaya in Xukuumadda Madaxweyne Biixi iyo wasaarada Macdantu  ay buurta Gacan libaax  ruqsad macadan qodis ah u siiyeen shaqsiyeed ku bahoobay shirkad gacan ku rimis ah ee magaceeda lagu sheegay Aabo Mininig Company, isla markaana ay saami  ku leeyihiin shaqsiyaad  Madaxweyne Biixi xidid iyo Xigaal yihiin, kuwaas oo qaarkood ay xilal ka hayaan Xukuumadda halka ay qaarna xilal hore ka hayeen Xukuumadda hore ee Madaxweyne Siilaanyo.