Radio Hormuud Studio 2 Hargeysa/Somaliland

Hargeysa(RH)Wasiirka Wasaaradda Waxbarashada iyo Sayniska Jamhuuriyadda Somaliland Mudane Cismaan Jaamac Aadan oo ay weheliyaan Agaasimaha guud ee wasaaradaasi iyo saraakiil sare oo ka tirsan wasaaraddaasi ayaa kormeer ku tegey Kuuliyadda tabobarka macalimiinta Somaliland oo ay galeen macalimiintii ugu horeysay .

Hargeysa(RH)Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi waxa uu wareegto madaxweyne oo summadeedu tahay JSL/XM/G/WAG/WG/ CQS/081/4/224/ 234/037-332/062019, uu ku laalay xaaladii deg-dega ahayd ee loogu soo rogay Degmooyinka Gar-adag, Ceel Afweyn iyo Ceerigaabo.

 

 Waxaanay u dhignayd Wareegtada Madaxweynuhu Sidan:-

Hargeysa(RH)Madaxweyne ku xigeenka Jamhuuriyadda Somaliland  Cabdiraxmaan Cabdilaahi Ismaaciil (Saylici) ayaa maanta daah furay shir lagaga hadlayey Doorka haweenka ee Siyaasada iyo ka qeyb-galka Doorashooyinka Dawladaha hoose, waxaana shirkaasi goob joog ka ahaa Wasiirka Arrimaha Gudaha Maxamed Kaahin Axmed, Agaasimaha guud ee Wasaaradda Arrimaha Gudaha Cabdi Nuur Axmed, Agaasimaha guud ee Wasaaradda Waxbarashada iyo Sayniska Axmed Abokor Maxamed, qaar ka mida Maayirada iyo Xildhibaanada Golayaas

Hargeysa(RH)Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi waxa uu wareegto madaxweyne oo summadeedu tahay JSL/XM/XKQ/222/1-330/062019, uu Xilka qaadis, bedel iyo Magacaabid ku sameeyey xubno ka mida xukuumadda.

Waxaanay u dhignayd Wareegtada Madaxweynuhu Sidan:-

 

Hargaysa(RH)Wasiirka Wasaaradda Isgaadhsiinta Iyo Tiknoolajiyadda Somaliland  Dr. Cabdiweli Sh. Cabdillaahi Suufi ayaa wareegto ka soo saaray Dhismaha Taawarrada iyo Goobbaha Isgaadhsiinta ee Cusub,waxaana uu dhamaan cidii Rabta in ay Taawarradda Taagto lagu amaray in ay soo maraan Wasaaradda Isgaadhsiinta Iyo Tiknoolajiyadda Somaliland .

 

Hargeysa(RH)Madaxweyne ku xigeenka Jamhuuriyadda Somaliland, Cabdiraxmaan Cabdilaahi Ismaaciil (Saylici) ayaa maanta soo xidhay Shirkii lagu gorfaynaayey horumarinta hay’addaha maaliyadeed ee dalka, shirkani oo uu labadii casho ee u danbeeyey ka socday magaalada hargeysa ayaa lagu gorfanayey nidaamka hay’addaha maaliyada ee ka hawl gala Somaliand sida Shirkadaha iyo Baananka.