Xukuumadda Somaliland Oo Xayiraadii ka Qaaday Telefishanadda Horyaal iyo Eryal

Hargeysa(RH)Xukuumadda Somaliland ayaa xayiraadii ka qaaday labada Telefishan ee Horyaal iyo Eryal oo muddo 15 maalmood ah xayirnaa, kadib markii lagu eedeeyay in ay baahiyeen waxyaabo qaranka ka dhan ah.

Wasiirka Wasaaradda Warfaafinta, Dhaqanka iyo Wacyigelinta Jamhuuriyadda Somaliland Maxamed Muuse Diiriye,  ayaa sheegay in ay xayiraddii ka qaadeen labada Tv ee Horyaal24 iyo Eryal, kuwaasoo ay hore wasaaradda warfaafintu xayiraadd u saartay.

Shir jaraa’id oo ay si wada jira maanta ugu qabteen Wasiirrada warfaafinta iyo Wasiirka  Xidhiidhka goleyaasha iyo dastuurka ee Somaliland waxay cadeeyeen in heshiis ay la sexeexdeen masuuliyiinta labadaas telefishan.

Sidoo kale waxaa goobtaas joogay masuuliyiinta labadda TV iyo xubno ka tirsan ururka suxufiyiinta Somaliland ee SOLJA.

Wasiirka wasaaradda warfaafinta  ayaa faahfaahin ka bixiyay in labadaas TV dib  ugu soo celiyeen xoriyadoodii iyo sidoo kale waxa uu ku qotomo heshiiskii ay kala saxeexdeen.

 Waxaanu yidhi “Labadii TV ee aanu xayiraadda saarnayna waanu fasaxnay. Waana inta aanu gaadhsiinayno uun qoraalkayaga, hay’addihi aanu amarka xayiradooda aanu gacanta u gelinay.

 Waanu heshiinay TV-yaddaasi kadib markii aanu heshiis dhammaystiran aanu ka gaadhnay wixi hore ee dhacay iyo waxa danbe dhici doona-ba.

 Waxaan u malaynayaa hogaanku  anaga uun xil nagama saarnaa ee waa uu inaga wada saaran yahay, waanay ku mahadsan yihiin”.

Isagoo hadalka sii watayna waxa uu yidhi “Haddii ay fahmeen iyaga qudhoodu in qalaladaad ka dhacay. Waanay ku mahadsan yihiin iyaga uun maahee, in Allaale inta Tv ka shaqaysa Somaliland in aanu kala saxeexanay in la dhawro inta uu xeerka warbaahintu soo baxayo.

 Qodobada isfahanka ah ee aanu wada saxeexanay in aaad ku dhaqantaan wada ilaalisaan oo aynu wada dhawrno, waxaan loo soo hal-gamay ee loo soo wada dhintay ee loo soo dhibaatooday in aynu wada ilaalino ayaa waajib inaga saaran yahay”.

Geesta kale guddoomiyaha  telefishanka  Horyaal24 Maxamed Cismaan Mire (Sayid) oo isna goobtaasi hadal kooban ka jeediyay waxaanu u mahad naqay cid kastoo kala shaqaysay sidii telefishankoodu xoriyad u heli lahaa.

Sayid Mirre, ayaa sidoo kale raali gelin buuxda u diray cid kastoo dhibsatay wararkii ay baahiyeen ee sababay in xayiraadda la saaro telefishankiisa iyo TV-ga Eryal.

Agaasimaha Horyaal Tv oo arrimahaas ka hadlayayna waxa uu yidhi  “Waxaan jecelahay in aan iyadda-na fursadan uga faa’iidaysto dadka reer Somaliland iyo daawadeyaasha Horyaal24 TV meel ay joogaanba,  ee laga yaabo in khaladaad naga dhacay ay dhibsadeen. Waayo? Bini’aadam ayaanu nahay oo khalad wuu naga dhici karaa.

 Cidii dhibsatay ama wax naga tabatay ama na dhaliishay ee u aragtay in aanu gef galnay raaligelin ayaanu ka siinaynaa arrintaasi”.

Guddoomiyaha Eryal Tv Aadan Caydiid Cabdi, ayaa isna tilmaamay in ay raali gelin ka bixinayaan gebi ahaanba wixii khaladaad ah ee telefishanadoodda ka baxay.

“Waxaan doonaya in aan halkan wax kastoo naga dhacay ama wasaaradda warfaafintu nagu haysatay ama qaranka Somaliland intiisa kale-ba nagu haystay oo telefishanadayadaasi ka baxay in aanu raaligelin ka bixino”ayuu yidhi guddoomiyaha Eryal Tv.

 

Category