Qaar ka mid ah ciidamadii Soomaaliya ee tababarka ugu maqnaa Eretria oo Muqdisho ka soo degay

Muqdisho (RH)-Duulimaadkii ugu horreeyay ee siday qaar ka mid ah ciidamada Soomaaliya ee tababarka ugu maqnaa dalka Ereteria muddo ku dhawaad afar sanno ayaa saaka ka soo dagay garoonka diyaaradaha magaalada Muqdisho.

Soo noqoshada ciidamadan ayaa maalmo ka hor uu sheegay madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud isagoo Maraykanka jooga isagoo carabka ku dhuftey in dhammaadka bishan December iyo billowga bisha Janaayo ee sannadka 2023-ka ay ku soo laaban doonaan ciidamadaas.

Wasiirka gaashandhigga Soomaaliya, Cabdiqaadir Maxamed Nuur oo shir jaraa’id ku qabtey magaalada Muqdisho ayaa sheegay in ciidankii ugu horreeyay ee Soomaali loogu tababaray dalka Eretria ay saaka dib dalka ugu soo laabteen ayna dhawaan ka qeyb qaadan doonaan dagaalka ka dhanka ah Al-Shabaab.

Wasiirka ayaa sheegay in ciidanka loo tababaray Soomaaliya ay ka howgalli doonan dalka oo dhan, in kastoo uusan arrin gaar ah sheegin.

Wasiirka ayaa sheegay in ciidamadan oo muddo aan is arkin ehelkiisa iyo waalidiintiis loo oggolaan doonin in ay arkaan.

Ciidamadan maanta yimid ayaa hadal heyn badan dhaliyay intii ay maqnaayeen gaar ahaan labadii sanno ee la soo dhaafay, xilligaas oo dowladdii horre lagu eedeeyay in ciidamadaas ay galiyeen dagaalkii Ethiopia ay ku qaaday gobolka waqooyiga ee Tigreyga.

Radio Hormuud

Studio 3

Mogadishu Somalia

Category