Shaqo ka taagan Garoonka diyaaradaha Caabudwaaq oo maanta xiran

Caabudwaaq (RH)- Waxaa weli xiran garoonka diyaaradaha degmada Caabudwaaq ee gobolka Galgaduud ee bartamaha Soomaaliya, kadib markii ay xireen maleeshiyo hubeysan oo ka gadoodsan sida loo qeybiyay golaha deeganka.

Guddoomiyaha degmada Caabudwaaq, Faarax Cabdulle Xasan (Samadoon) ayaa saxaafadda maxalliga u sheegay in uu socdo dadaalo dib loogu furayo garoonka.

"Shaqaaqada ka dhacday garoonka ayaa waxaa ka dhashay beel ka mid ah beelaha direed ee magaalada Caabudwaaq oo ka gadoodsan habqeybsiga beelaha xubnaha geediga, waxa ay tageen garoonka, haddana xallintooda ayaa lagu jiraa" ayuu yiri guddoomiyaha.

Arrintan ma ahan mid ku cusub degmad Caabudwaaq, dhowr jeer oo horre ayey dhacday arrintan sida uu sheegay guddoomiyaha.

Shaqaaqadan ayaa ku soo aadeysa iyadoo markii ugu horreysay uu hirgalay qorshe la soo waday tan iyo sannadkii 1991-dii oo ahaa in Caabudwaaq loo dhiso gole deegan.

Waxaa sheegis mudan, waxaa mar kasta dib u dhaca ku keeni jiray in la dhiso golaha deeganka beelaha degan Caabudwaaq oo kala badan.

Si kastab, Caabudwaaq ayaa la sheegaa in ay deggan yihiin 40 beelo marka loo firiyo sida ay u bixiyaan marka la bixinayo magta, Sidaas oo tahay golaha deeganka ee magaalada waa 23, oo markii horre 22 ayeyba ahaayeen sida uu sheegay guddoomiyaha degmada Caabudwaaq ee gobolka Galgaduud oo u warramey BBC-da

Ma jirto wax khasaare ah oo la soo weriyay oo ka dhashay shaqaaqada ka dhalatay in la xiro garoonka diyaaradaha Caabudwaaq, mana jirin wax diyaarad ah oo maanta tegtay magaalada.

Radio Hormuud

Studio 3

Mogadishu Somalia

Category