Waa maxay xiriirka ka dhaxeeya ilkaha iyo xanuunnada khatarta ah?

Ilkahaaga iyo ciridka ayaa saameyn weyn ku yeelan kara caafimaadkaaga, waxay sababi karaan xanuunka Alzheimer, sokorta iyo xanuunka wadnaha.

Waxaa laga yaabaa in qaar ka mid ah ilkahaaga ay qalloocaan, lakab uu ku jiro amaba ay jajaban yihiin, dhaqaatiirta ayaase ku talineysa in laga fekero caafimaadka ilkaha haddii qofku doonayo inuu noqdo qof caafimaadkiisu fiican yahay.

Caafimaadka afkeenna iyo ilkaheenna kuma koobna keliya bararka ciridka iyo ilko-xanuunka, balse waxay saameyn ku yeelan karaan guud ahaan caafimaadka, xitaa mararka qaar dhimasho ayay sababi karaan.

Nasiib-darro, caafimaadka ilkaha iyo ciridka ayay dadka qaar dayacaan.

Xanuunnada ay sababaan ilkaha

Xanuunka periodontitis waa cudur qofka ku dhaca kaddib marka ilig ka mid ah ilkihiisa ay daxaleystaan amaba ay waxyeello gaaraan.

Waxaa la sheegay in boqolkiiba 47 dadka xanuunkan uu ku dhacay ay yihiin kuwa ka weyn 30 jir, iyadoo boqolkiiba 64 dadka ka weyn da’da 65 sano uu mararka qaar ku dhaco cudurkan.

Xanuunkan waa kan 11-aad ee ugu badan adduunka dadkana ay ka cawdaan.

Xanuunkan maaha mid faafa, wuxuuse saameyn ku yeeshaa ilkaha kale ee caafimaadka qaba.

Periodontitis waa xanuun qarsoon sababtoo ah inta badan dadku kama war qabaan ilaa xanuunku uu gaaro marxalad adag.

Waxyaabaha sababa ee la xiriira hidda-sidayaasha qofka ayaa door ku yeesha xanuunka, sidoo kalena waxaa soo raaca nadaafadda afka iyo ilkaha.

Baare sare oo ka tirsan Waaxda Ilkaha ee Jaamacadda Central Lancashire ee dalka Ingiriiska, Sam K. Singharu, ayaa sheegay in dad badan aysan u fiirsan xanuunkan ilaa marka ay gaaraan da’da 40 ama 50.

Wuxuu sheegay in xanuunnada ilkaha ay sababaan dhiig ku furma afka, taasoo sababta caabuq.

Mr. Singharu ayaa intaas ku daray in caabuqa afka u uku faafo dhammaanba qeybaha kale ee afka. Qaarkood wuxuu sheegay inay ku faafaan maskaxda, halbolwha ilaa beer-yaraha.

Xaqiiqdii, periodontitis ayaa lala xiriiriyay qaar ka mid ah xanuunnada ugu halista badan adduunka sida kuwa wadnaha, macaanka, cayilka, kansarka, lafo-xanuunka, dhibataooyinka dhanka dhalmada iyo kuwo kale.

Marka, dhaqaatiirta ayaa ku talinaya in haddii aad dooneyso inaad ka nabad gasho dhammaan cudurradaas, aad daryeesho kana warqabto caafimaadka ilkahaaga.

Xigasho: BBC

Category