Taliye ku xigeenkii hore ee garoonka diyaaradaha Garowe oo lagu dilay Garowe

Xiddige Xayle Carabay Xiireey ayaa la sheegay xilliga uu falka uu dhacay inuu ku sugnaa aagga garoonka diyaaradaha, mana jirto wax faahfaahin oo laga helayo dilkiisa.

Maydkiisa ayaa hadda yaala isbitaalka guud ee Garowe, halkaas oo sidoo kale maalmihii tagay ay talaagad ku jireen labo askari oo ku dhintay iska hor imaad doorashada la xiriiray oo ka dhacay isla magaalada Garowe.

Dilka sarkalkaan ayaa yimid xilli ay socotay dadaalo lagusoo afjarayo khilaafka arrimaha doorashada, iyadoo la filayay in maanta siyaasiyiinta kasoo horjeeda doorashada lagu qanciyo inay joojiyaan is hor istaagga ay ku sameynayaan doorashada golaha deegaanka.

Ciidamo maleyshiyaad ah oo ka amarqaata  mucaaradka, ayaa ku sugan duleedka bari ee magaalada Garowe, iyagoo isbaaro u dhigtay in sanaadiiqda doorashada laga gudbiyo magaalada Garowe, si loo gaarsiiyo degmooyinka kale ee gobolka Nugaal.

Waxay dalbanayaan in aan mugdi la galin doorashada madaxtinimada ee 2024, iyagoo kasoo horjeeda in ururada siyaasadu wax go’aan ah ku yeeshaan doorashada 2024.

Category