Sawirro: Dhismaha dekedda Garacad oo maanta la daahfuray

Garacad (RH)-Madaxweynaha Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud iyo madaxweynaha Puntland Saciid Cabdullaahi Deni ayaa goordhow si rasmi ah xarriga uga jaray wajiga koowaad ee dhismaha dekedda Garacad ee gobolka Mudug, oo ay dhiseen ganacsato ka soo jeeda degmadan.

Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud iyo wafdi uu hoggaaminayo oo ka tegay Muqdisho ayaa maanta barqadii gaaray Garacad, si uu xarriga uga jaro dhismaha dekeddan oo noqon doonta dekeddii shanaad ee Soomaaliya ku taalla.

Dadka la socda arrimaha ganacsiga ayaa sheegaya in dekeddan ay noqon doonto waddo ganacsi oo cusub oo isku xiri doonta gobolka Koonfur-bari ee Itoobiya iyo Soomaaliya gaar ahaan Puntland.

Dekaddaan ayaa awood u yeelan doonta inay ku soo xirtaan maraakiib dhan 40,000 oo tan oo konteenar ah labada janbi ee ugu horeeya oo hadda si buuxda loo dhameystiray iyadoo 2 janbi oo kalana ay hadda shaqo ku socoto kana dhigi doona Dekad afar janbi ah taas oo ka dhigan tan 2-aad ee ugu weyn guud ahaan Soomaaliya.

Dekadda Garacad ayaa noqonaysa meeshii shanaad ee geeska Afrika ee laga helo biyaha gunta hoose oo marin u ah badweynta Hindiya, balse waa tan ugu dhow dalka Itoobiya xaga dekadaha badweynta Hindiya oo ah dal aan bad lahayn oo ay ku nool yihiin 115 milyan oo qof.

Soomaaliya waxay dhoofisay $1.5 bilyan oo badeecooyin iyo adeegyo ah sanadka 2021, saddex meelood meel ahaan waa xoolo, sida lagu sheegay xogta dowladda. Taasi waxay ahayd koror 30% ah sannadkii hore.Dhismaha dekedda Garacad oo maanta la daahfurayDhismaha dekedda Garacad oo maanta la daahfuray

Radio Hormuud

Studio 3

Mogadishu Somalia

Category