Sawiirro: Muqdisho oo maanta ka billaabatay qaadashada kaarka doorashada

Muqdisho (RH)-Magaalada Muqdisho waxaa maanta oo Talaado ah ka billowday diiwangalinta dadka qaadanaya kaarka doorashada golaha deeganka oo dhawaan la filayo  in la billaabo.

Duqa magaalada Muqdisho, Maxamed Axmed Amiir ayaa noqday mas’uulkii u horreeyay ee isdiiwaangeliyay, si uu u qaato kaarka codbixinta doorashada golayaasha deeganka.

Guddoomiyaha guddiga doorashada madaxa bannaan iyo soohdimaha oo saxaafadda la hadlay ayaa sheegay in degmada Shangaani ay noqon doonto degmada ugu horreeysa ee magaalada Muqdisho lagu qaban doono doorashada golaha deeganka.

Wax auu ammaanay dadka qaadanaya kaararka, walow aan la sheegin tiradooda.

Sawirro laga soo qaaday dad u badnaa haween oo ku sugnaa Shangaani ayaa la arkayay iyagoo safaf ku jira si ay u qaataan kaarka diiwaangalinta codbixiyayaasha.

Duqa Muqdisho oo qaatay kaarka codbixintaDadweyne safaf ku jira si ay u qaataan kaarka doorashadaDadweyne safaf ku jira si ay u qaataan kaarka doorashadaDadweyne safaf ku jira si ay u qaataan kaarka doorashadaDadweyne safaf ku jira si ay u qaataan kaarka doorashada

Radio Hormuud

Studio 3

Mogadishu-Somalia

Category