
Muqdisho (RH)-Magaalada Muqdisho waxaa maanta oo Talaado ah ka billowday diiwangalinta dadka qaadanaya kaarka doorashada golaha deeganka oo dhawaan la filayo in la billaabo.
Duqa magaalada Muqdisho, Maxamed Axmed Amiir ayaa noqday mas’uulkii u horreeyay ee isdiiwaangeliyay, si uu u qaato kaarka codbixinta doorashada golayaasha deeganka.
Guddoomiyaha guddiga doorashada madaxa bannaan iyo soohdimaha oo saxaafadda la hadlay ayaa sheegay in degmada Shangaani ay noqon doonto degmada ugu horreeysa ee magaalada Muqdisho lagu qaban doono doorashada golaha deeganka.
Wax auu ammaanay dadka qaadanaya kaararka, walow aan la sheegin tiradooda.
Sawirro laga soo qaaday dad u badnaa haween oo ku sugnaa Shangaani ayaa la arkayay iyagoo safaf ku jira si ay u qaataan kaarka diiwaangalinta codbixiyayaasha.





Radio Hormuud
Studio 3
Mogadishu-Somalia