Odensa: Soomaali mindi lagaliyey isaga oo timaha loo jarayo

RH: Dhacdadan ayaa ka dhacdey goob laga dukaameysto oo kutaal xaafada ay ajanabigu ubadanyihiin ee Vollesmose oo ka tirsan magaalada Odense ee wandankan Denmark, booliiska ayaa sheegay in lasoo wacay jimcihii saacadu markii ay aheyd 12:10 duhurnimo , labo daqiiqo kadib ayaanu goobta nimid ayuu sheegay sarkaalka hawlgalinta oo lagu magacaabo Bjarke Vestesen .

Sida uu booliisku sheegay waxaa ninkanmindida galliyey ninkale oo ay dhaqaale ama lacag ka dhaxeysay  uu is afdhaaf dhex maray waxaanay arintii isu badashey gacan kahadal iyo in mindi lagaliyo isaga oo timaha loo jarayo.

waxaa loola cararey cisbitaalka qaliin kadib hada xaaladiisu way roontahay, booliisku ma sheegin in dhacdadan cid loo qabtey inkasta oo ay sheegeen in ay goobtii oo dhan xidheen dhacdada kadib si ay baadhitaan u sameeyaan.

Category