Madaxweyne Ku-Xigeenka Somaliland oo Kormeeray Mashaariicda Horumarineed ee laga Hirgaliyey Berbera iyo Burco

Berbera(RH):-Madaxweyne Ku-xigeenka Jamhuuriyadda Somaliland Mudane, Cabdiraxmaan Cabdilaahi Ismaaciil (Saylici) oo safar shaqo ku jooga Magaalada Berbera ee Xarunta Gobolka Saaxil ayaa  kormeeray Mashaariicda JPLG-ga ee ka socda Degmada Berbera ee sannadkan 2022 la fuliyey.

Madaxweyne ku xigeenka Somaliland Mudane  Seylici oo hoggaaminayey wefdi xukuumada ka tirsan iyo madaxa mashruuca JPLG-ga oo booqasho ku tegay magaalada Berbera ayaa kormeeray mashariicahii Dawladda Hoose Berbera fulisay 2021/2022.

Masuuliyiin ka tirsan Dawladda hoose  ee Berbera ayaa warbixin ka siiyey wefdiga mashaariicdii ay  hirgeliyeen hannaanka maamul-daadejinta adeegyada bulshada, waxqabadkii ay fuliyeen sannadkan iyo  kii hore, iyo qorshayaasha sannadka 2023.

Maayerka Degmada Berbera Cabdishakuur Maxamuud Xasan Ciddin oo hadal ka jeediyey madasha ayaa sheegay in wakhtiyadii hore Dawladaha Hoose aanay awood u heli jiirin kaabista adeegyada bulshada dhaqaale la’aan, laakiin muddooyinkii u dambeeyey wax badan ku taageereen Waxbarashada iyo Caafimaadka.

Maayer Ciddin ayaa sheegay in Degmada Berbera diyaar u tahay inay adeegga waxbarashada 100% la wareegaan sannadka 2023 bilowgiisa.

Madaxweyne xigeenka Mudane. Cabdiraxmaan Cabdilaahi Ismaaciil (Saylici) oo ka hadlay ayaa sheegay in mashruuca JPLG loogu tallogalay in lagu kobciyo awoodda waxqabad ee Dawladaha Hoose.

Wuxuu sheegay in ka hor intaan dhaqaale loo dhiibin Dawladaha Hoose la qorsheeyey in hawlwadeenadooda loo diyaariyo, aqoontoodana iyo qiyamkooda la dhiso dhinac walba si dhaqaalaha mustaqbalka ka iman doona xukuumadda, “waxaynu nahay dal dhaqaalahiisu kobcayo ama hay’adaha ay si fiican ugu maamulaan.”

Md. Saylici iyo maayerka Berbera ayaa dhagax-dhigay laba waddo oo cusub oo kala ah Waddada hormarta Telesom iyo dhismaha Waddada cusub ee xaafada Sabawanaag oo laga hirgelin doono magaalada Berbera.

Geesta kale Madaxweyne ku-xgeenka Jamhuuriyadda Somaliland Mudane, Cabdiraxmaan Cabdilaahi Ismaaciil (Saylici) oo ku guda jira kormeerka mashaariicda horumarinta iyo maamul daadejinta ee JPLG-ga ee sannadkan 2022 ayaa gaadhay Magaalada Burco ee xarunta Gobolka Togdheer, waxaana uu Madaxweyne ku-xigeenku kulan xogg-waraysi ah la qaatay masuuliyiinta Gobolka iyo Degmada, kaasi oo ku saabsan qaabkii dawladda hoose ee Burco u maamushay mashaariicda JPLG.

Sidoo kalena Madaxweyne ku-xigeenku waxa uu dhagax dhigay waddo cusub oo dawladda hoose ka fulin doonto gudaha magaalada Burco isla markaana laga maal-geliyey mashruuca JPLG sannadkan 2022-ka.

 

 

Category