Radio Hormuud Studio 2 Hargeysa/Somaliland

Hargeysa(RH):-Siyaasiyiin ka tirsan Xukuumaddii hore ee Madaxweyne Siilaanyo iyo Madax-dhaqameed ka soo jeeda bariga Burco, ayaa la sheegay in ay kulan xasaasi ah oo ay la qaateen Madaxweynaha Somaliland, ay soo gaadhsiiyeen farriimo iskugu jiray cabasho iyo weli ba sida oo kale in la gaadhey wakhtigii Madaxweyne Biixi uu xilka guddoomiyenimo ee KULMIYE ku soo wareejin lahaa beelaha ka soo jeeda bariga Burco.

Hargeysa(RH)Xafiiska Hanti-dhowraha guud ee qaranka Somaliland Axmed Yuusuf Dirir oo uu ku sime ka  yahay ku xigeenkiisu ayaa shaqadii Hanti-dhowre-nimo ka joojiyey lix ka mid ah shaqaalaha xafiiskaasi waxaana warqadda Shaqo-Joojinta Oo Warbaahinta Hormuud Nuqul ka mid ah Heshay lagu sheegay in ay iska xaadiriyaan Hayadda shaqaalaha dowladda bilaa sabab mana jirto wax eed ah oo warqada lagu cadeeyay,

Lixdan shaqaalaha ah ayaa kala ah

Hargeysa(RH)waxaa Habeenimadii xalay ahaa dab xooggani ka kacay warshada furshaanta oo ku taala xaafadda Maxamed Mooge.ee magaalada Hargeysa 

Dabka ayaana ahaa mid wayn waxaana burbur soo gaadhay qaybo kamid ah warshadda.Ciidamada debdemiska magaalada Hargeysa oo gurmad dhokhso ah sameeyey markii uu dabkani ka kacay warshada waxay muddo kadib ku guuleysteen daminta dabkaasi.

 

 

Berbera(RH)Laba nin oo kamid ah dhallinyarada ka kalluumeysata Bada Gobolka Saaxil ayaa lagu laayahay badda magaalada Berbera.


Dhallinyaradan kalluumeysatada ah iyo laashkii ay watteen ayaa shalay duhurkii badda galey. Waxaana aan ilaa hadda laga war haynin halka ay ku sugan yihiin kalluumaysatadaasi iyo laashkoodii  sida ay xaqiijiyeen kalluumaysatada magaalada Berbera.

Hargeysa(RH)Madaxweyne-ku-xigeenka Jamhuuriyadda Somaliland,  Cabdriraxmaan Cabdilaahi Ismaaciil(Saylici), ayaa ka qayb-galay shirweyne Ballaadhan oo lagu gorfanayo  sidii loo horumarin lahaa, loona hirgelin lahaa ganacsiyo ay wada leeyihiin xukuumadda iyo shacabku,  kaas oo lagu qabtay caasimadda Hargeysa maanta.

 

Hargeysa(RH)Kal-fadhigii 15-aad ee golaha wasiirrada Jamhuuriyadda Somaliland oo uu Shir-guddoominayey madaxweynaha Somaliland, Muuse Biixi Cabdi oo uu wehelinayey madaxweyne-ku-xigeenka Somaliland, Cabdiraxmaan Cabdilaahi Ismaaciil(Saylici), ayaa waxaa  lagaga hadlay arrimo door ah oo ku saabsan amniga, iyo horumarka qaranka, waxana warbixin dhinaca amniga ah lagaga dhegaystay wasaaradda arrimaha gudaha.