Radio Hormuud Studio 2 Hargeysa/Somaliland

Caynaba(RH)Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi, ayaa si adag u deedafeeyey eedaymo ay golaha wasiirrada maamulka Puntland ku majaro habaabinayeen safarka uu ku marayo gobollo kamid ah dalka, waxana uu meesha ka saaray in xukuumadda uu hoggaamiyaa wax cabudhin ah ku hayso bulshada ku dhaqan gobolka Sool.

 

Addis Ababa(RH)Wasaaradda horumarinta Beeraha Jamhuuriyadda Somaliland, ayaa afar xubnood oo ka mid ah shaqaalaha wasaaraddaasi u dirtay tababbar ku saabsan dhaqaalaynta Ciidda iyo Biyaha, kaasi oo wasaaradda horumarinta beeruhu ku howlanayd bilihii u dambeeyay isla-markaana qaybo ka mid ah ka bilowday dooxyada waaweyn ee Biji iyo Waaheen.

Boorama(RH)Waxaa Magaalada Boorama ee Xarunta Gobolka Awdal ka dhacay Dhul-gariid,Dhul-gariirkan oo ahaa mid aad u xoogan  ayaa aad looga dareemay Xaafadaha kala duwan ee Magaalada Boorama ka Koobantahay siday Xaqiijiyeen Bulshada ku dhaqan Gudaha Magaalada Boorama.

Laas-caanood(RH)Deegaanka Dhuumay ee Koonfurta Gobolka Sool ayaa maanta waxaa ka dhacay Dagaal Culus oo sababay  khasaare dhimasho iyo dhaawacba leh.

Dagaalkan ayaa waxaa uu u dhexeeyey laba Beelood oo Walaalo ah oo Deegaankaasi wada-daga

Dagaalkan ayaa waxaa ku geeriyooday in ka badan 40 qof halka ay ku dhaawacmeen dad ka badan 80 qof ,Sida uu Xaqiijiyey Badhasaabka Gobolka Sool Cabdirashiid Xuseen Cabdulle.

Hargeysa(RH)Hay’adda Shaqaalaha Dawladda ayaa soo gabo-gabaysay samaynta siyaasadaha iyo hagayaasha muhiimka u ah kobcinta iyo maamulka cudduda shaqaalaha Dawladda, Siyaasadahan iyo hageyaashan oo ay mudo badan soo socotay  samayntoodu, ayaa waxaa madasha ka hadlay masuuliyiin iyo khubaradii gacanta ka gaystay diyaarinta siyaasadaha iyo hagayaasha lagu dhaqayo  shaqaalaha dawladda Jamhuuriyada Somaliland halkaas oo ay ku bogaadiyey shaqaalaha kala duwan ee dawladda in  rejo iyo iftiin u bilowday.

Hargeysa(RH)Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi, waxa uu wareegto madaxweyne oo summadeedu tahay JSL/XM/WM/222-197/092018, waxa uu derajo ciidan oo ah dalacsiin Kormeere Saddexaad, Muxumed Ismaaciil Faarax oo ka tirsan Ciidanka Booliska Jamhuuriyadd Somaliland, lana siiyey derajada uu mudan-yahay oo ah Xidigle  oo uu madaxweynuhu hore balan qaad ugu sameeyey mar uu ka qayb-galay qalin-jebintii Jaamacadda Hargeysa.