Radio Hormuud Studio 2 Hargeysa/Somaliland

Hargeysa(RH)Kal-fadhigii 32-aad ee golaha wasiirradda Jamhuuriyadda Somaliland, oo uu shir gudoominayey Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland,  Muuse Biixi Cabdi, kuna wehelinaayey Madaxweyne ku xigeenka Somaliland,  Cabdiraxmaan Cabdilaahi Ismaaciil (saylici), ayaa maanta oo ay taariikhdu tahay 04/04/2019, waxa  lagaga dooday arrimo badan oo salka ku haya danta bulshada.

 

Jig-jiga(RH)Waxaa maanta galinkii dambe magaalada Jig-jiga ee xarunta Dowlad Deegaanka Somalida itoobiya lagu soo gaba-gabeeyey Shirwaynihii  10aad ee X.D.SH.S.I

Waxaana  Gunaanadkii Shirkaasi ka soo qaybgalay Ra'iisul wasaaraha Dalka  Itoobiya Abiy Axmed

Waxaana Shirweynahaasi  lagu Ansixyey 9 Xubnood oo ah Gudidda Fulinta Ee XISBIGA Dawlad Deegaanka Soomaalida itoobiya oo kala ah :-

Hargeysa(RH)Madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi Cabdi ayaa Maanta xilkii ka qaaday Taliyihii Ciidanka Asluubta Somaliland Sarreeye Guuto Maxamed Cismaan Ibraahim (Xudhuun) Madaxweynuhu wuxuu xilkaasi U Magacaabay Sarreeye Guuto Axmed Cawaale Yuusuf (Libaax)

Hargeysa(RH)Ururka Saxafiyiinta Somaliland ee SOLJA ayaa ka hadlay falal layaableh oo Xukuumada Somaliland kula dagaalamayso Xorriyadda Saxaafadda Madaxbanaan ee ka howlgasha Somaliland, taasi oo hor dhaceedii lagu arkay maalmo ka hor markii Madaxweynuhu khudbad sanadeedka ka hor jeediyay Labada Gole Baarlamaan ee Somaliland, iyadoo maalintaas Wariyayaasha laga ururiyay Telefoonada Gacanta lagagana xidhay qalab luminaya Aanteenooyinka, dhacdadan ayaa hor  dhac u ah talaabooyin Xukuumaddu u qorshaysay inay  ku wiiqdo Warbaahinta Madaxa Bannaan.