Radio Hormuud Studio 2 Hargeysa/Somaliland

Hargeysa(RH)Madaxweynaha dawladda Jabuuti Ismaaciil Cumar Geelle oo waraysi siiyay wargeys Faransiis ah ayaa sheegay in ciidanka badda ee Itoobiya dhisanayso xaruntiisu noqonayso dekedda Masawa ee dalka Ereteriya sida ay baahisay warbaahinta Ertrean Press.

 

Arrintan ayaa guux ka abuurtay Ereteriya, islamarkaana waxa baraha bulshada kaga dareen celiyay saxaafadda iyo bulshada Ereteriya.

 

Berbera(RH)Madaxweyne ku-xigeenka Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Cabdiraxmaan Cabdilaahi Ismaaciil (Saylici) ayaa magaaladda Berbera kulan kula qaatay wafti ballaadhan oo uu hoggaaminaayo Suldaan Maxamed Suldaan Cabdilaahi Cartan.

 

Madax-dhaqameedkan oo kasoo kici timay deegaanadda bariga gobolka Sanaag ayaa waxa si heersare ah usoo dhaweeyay masuuliyiin ka tirsan xukuumadda Somaliland kana soo gelbiyay gobolka Togdheer.

 

Hargeysa(RH)Abwaan Xasan Daahir Ismaaciil (Weedhsame) oo kamid ah hal-abuurka caanka ah ee reer Somaliland, ayaa ka hadlay qorshaha xukuumada Jabuuti ku doonayso in loogu gacan galiyo Ganacsade Axmed Geelle.

Abwaan Weedhsame ayaa bulshada xasuusiyay dhacdo fool-xun oo sanadkii 2014kii ay xukuumadii Axmed Siilaanyo dalka Jabuuti ugu gacan galisay muwaadiniin reer Somaliland ah, kuwaasi oo aan weli geeri iyo nolol midna lagu ogeyn.

Hargeysa(RH)Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi, ayaa xafiiskiisa kulan kula yeeshay wefti  ka socda dalka Jarmalka oo ay hoggaaminayso safiirka waddanka Jarmalka u fadhida Kenya Ambassador  Annett Günther, islamrkaana uu wehelinayo ku-xigeenkeedu, Mr. Markus Bollmohr.