Hargeysa (RH)-Magaalada Hargaysa waxaa kulan ku yeeshay guddiga arrimaha dibadda ee golaha wakiilada Somaliland iyo wasiirka cusub ee arrimaha dibadda Cabdiraxmaan Daahir Aadan Bakaal.
Kulanka ayaa wasiirka waxa uu guddiga uga warbixiyay sida ogaan lahaayeen wixii ku qornaa heshiiskii is afgaradka ee Somaliland iyo Itoobiya billowgii sanadkii horre ku gaareen magaalada Addis Ababa.
Wasiir Bakaal, ayaa sheegay in ilaa hadda aanu arag qodobadii ku qornaa heshiiskii is-afgarad ee madaxweynihii hore Muuse Biixi Cabdi uu la galay ra'iisal wasaaraha Ethiopia Abiy Axmed Cali.
Wasiirka ayaa sheegay inay eegayaan haddii uu jiro mad madaw ku jiray heshiiskaasi, isagoo tilmaamay in aanay xukuumaddan cusub ee madaxweyne Cabdiraxmaan Cirro, Ictiraafka ku bedelayn inay bixiso dhulka iyo khayraadka Somaliland.
''MOU-daas markii horre waxaa naga galay madmadow waxa madaxweynaha sheegayo iyo waxa Itoobiya sheegeyso waa ay kala duwanaadeen, Ictiraaf baa ku soo baddlanay ayuu yiri madaxweynaha iyagana waxa ay lee yihiin marka nala siiyo dhulka ayaa ictiraaf siin doonaa Somaliland, marka aniga ma hayo war sax ah xisbi ahaan ma hayno waxa ku qornaa MOU-da''ayuu yiri.
Wasiirka ayaa sheegay in uu aamisan yahay ictiraaf la siiyo Somaliland in aysan ku raadin doonin in dhul la siiyo dowlado kale.
Hadalkan ayuu wasiirka arrimaha cusub ee arrimaha dibadda Somaliland ka sheegay kulan guddi hoosaadka arrimaha dibadda ee golaha wakiilada ay ku weydiiyay su'aalo la xiriira qodobbadii hesiiska is af-garadka Itoobiya iyo Somaliland 1-dii Janaayo 2024 ugu waynaa.
Radio Hormuud
Studio 3
Hargeysa-Somaliland