Sarkaal sare oo Maraykan ah ayaa tegay Boosaaso

Garowe (RH)-Wararka ka imaanaya magaalada Boosaaso ee gobolka Beri ayaa sheegaya in halkaas maanta madaxweynaha Puntland Saciid Cabdullaahi Deni uu kula kulmay Taliyaha Hawlgalada Gaarka ah ee Maraykanka ee Bariga Afrika, Colonel Ed Norris, iyo wafdi uu hoggaaminayo, kuwaas oo booqasho shaqo ku yimid Puntland.

Qoraal ka soo baxay madaxtooyada Puntland ayaa lagu sheegay in kulanka ayaa diiradda lagu saaray amniga guud ee gobolka, gaar ahaan dadaallada dowladda Puntland ay ugu jirto ciribtirka kooxaha argagixisada, iyadoo si gaar ah looga hadlay hawlgallada ka socda buuraleyda Calmiskad ee gobolka Bari.

Madaxweynaha Puntland ayaa uga mahadceliyay dowladda Maraykanka taageerada cirka ah ee ay la garab taagan yihiin hawlgallada ka dhanka ah Daacish ee ka socda goblka Beri.

Saraakiishan ciidamada Maraykanka ee tagay Puntland, ayaa ku soo aadaysa iyadoo bilihii la soo dhaafay Puntland ay dagaal xooggan kula jirta kooxda Daacish ayna kala wareegtay goobo badan.

Radio Hormuud

Studio 3

Garowe-Puntland

Category