Nin lagu eedeeyay dil markii uu ka soo degay madaarka Kobanheegan

RH:  

Nin kale ayaa loo xidhay kiiska dilkii ninkii Soomaaliga ahaa ee  ka dhacay wadada Cirkeline Plads ee Kobanheegan bishii May ee sannadkan.

Ninkaas Soomaaliga ahaa oo 48 jir ahaa ayaa meydkiisa laga helay isla goobtaas aan kor kusoo sheegnay.

Ninkan hada la qabtay  ayaa da’diisa lagu sheegay 32 sano jir, waxaana Isniintii laga soo qabtay garoonka diyaaradaha ee Copenhagen, markii uu ka soo degay muddo dheer oo uu dibadda ku maqnaa kadib.

Baadhitaano ay sameeyeen booliska ayaa waxa ay uga shakiyeen in ninkaasi uu ku lug lahaa dilkii bishii May.

Sidaa darteed, waxaa la soo xidhiiday dawlada qareenka ninka si ay askartu ugu diyaar garoobaan soo qabashada ninka marka uu ka soo dagayo garoonka diyaaradaha ee caasimada Denmark ee Kobenhagen.

Sidaas waxaa warfidiyeenka u sheegay taliyaha bilayska ee Kobanheegan, Robert Jensen.

Subaxnimadii salaasadii waxaa eedaysanaha , la horgeeyay dhegaysi dastuuri ah oo ka dhacay maxkamadda degmada Kobanheegan.

Maxkamaddu waxay aaminsan tahay in haddii nin  lasii daayo inta xukunku dhacayo kahor , ay jirikarto khatar ah inuu  adkeyn karo  baaritaanka kiiska ee socda, isagoo masaxaya raadadka, digniin siinkara cidii kale ee kiiska ku lugle ama saameyn ku yeelanaya dadka kale sidaas awgeed ayey go aansatey in rumaan lagu sii hayo inta ita dacwad oogidu baadhitaankeeda soo dhamaystirayso.

Ma cadda in ninka hadda dalka ku soo laabtay uu racfaan ka qaatay amarka lagu sii hayo.

Eedeysanaha oo 32-jir ah ayaa sheegay inuusan wax danbi ah ku laheyn eedeymaha culus ee dilka ah, balse waxa uu Maxkamadda ka hor qirtay inuu dhalo madaxa kaga dhuftay 48-jirkan.

Dhibbanaha ayaa dhuunta looga dhuftay mindi ama qalab kale oo af badan, waxayna taasi sababtay in uu naf dhul ula dhiciwaayo. Dilka ayaa dhacay habeenimadii Salaadada ee 9-ka May.2023.

Isla markiiba dilka ka dib, labadii hore iyo nin saddexaad ayaa la xidhay oo lagu eedeeyay dil.

 Xarigga ninkanina waa kii afraad ee kiiska.

Si kastaba ha ahaatee, labadii ugu horeysay ee la xiray ayaa la sii daayay, lagumana soo oogin kiiska, ayuu hadda sheegay taliyaha bilayska Robert Jensen.

- Waxay ka baxeen sawirka. Wax shaqo ah kuma laha kiiska, ayuu u sheegay wakaalada wararka ee Ritzau.

Qofka saddexaad ee la qabtay waxa lagu sii hayay xabsiga ilaa 12kii May.

Robert Jensen ma sheegi doono cidda ay bilaysku rumaysan yihiin in ay siteen hubkii dilka lagu gaysatay. Sida uu sheegay taliyaha booliiska, tani maaha dil qorsheysan, balse waa mid ka dhashay khilaaf lama filaan ah oo dhex maray dadka ku lugta lahaa.

Dadka la xidhay iyo kuwii la dilayba hore isuma . Waxay ku kulmeen goob wax lagu cabo habeen ka hor dilka.

Category