Muxuu yahay shirweynaha wadatashiga ee ka furmaya Jigjiga?

Jigjiga (RH)-Magaalada Jigjiga ee caasimadda dawlad deegaanka Soomaalida waxaa 24-ka iyo 25-ka bishan ka furmi doona shirweynaha wadatashiga bulshada deegaanka.

Dr. Nuur Cabdi Guudle waxa uu kamid yahay guddiga qaban qaabada shirweynahan, waxa uu saxaafadda u sheegay in shirkan uu noqon doono kii ugu horreeyay ee noociisa ah oo ay yeeshaan bulshada deeganka.

Wuuxu sheegay in dowladda federaalka Itoobiya ay dhiirigalisay in dadku ay wadatashadaan oo ay ka fikiran aayahooda iyagoo aan lagu dhex jirin sida uu sheegay.

Shirkan ayaa qaban qaabadiisa ay soo socotay muddo sannad ah, sida uu sheegay Dr Nuur Cabdi, oo hadalkiisa intaas ku daray in shirkan uu ku soo aaday iyadoo deeganka ay ka jirto biseel siyaasadeed.

Shirka oo si rasmi ah u furmi doona maalinta Sabtidada ayaa waxaa ka qeybgali doona ergooyin kala duwan oo ka kala socda afarta xisbi siyaasadeed ee kala ah PP, ONLF, FEB iyo Soomaali Galbeed, ururrada bulshada rayidka ah, aqoonyahanka, odayaal dhaqameedka, iyo qurba joogta.

Shirka ayaa inta uu socdo waxaa laga soo saari doonaa mabaadi’ guud oo la isku raacsan yahay oo dan u ah bulshada deegaanka.

Radio Hormuud

Studio 3

Jigjiga DDS

Category