Madaxweynaha Somaliland Oo lagu Soodhaweeyey Magaalada Laa-caanood

Laas-caanood(RH):-Madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi Cabdi iyo Wafti balaadhan oo uu hogaaminayo oo maalmihii u dambeeyey safar shaqo ku marayay gobolada bariga Somaliland ayaa maanta gaadhay magaalada laas-caanood ee xarunta gobolka Sool

 bulshada kala duwan ee ku nool magaalada Laascaanood ee xarunta gobolka Sool, ayaa madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Muuse Biixi Cabdi iyo wefti uu hoggaaminayo kusoo dhaweeyey duleedka galbeed ee magaalada.

Madaxweynaha iyo weftigiisa, ayaa waxaa duleedka Galbeed ee magaalada kaga hor yimi dadweyne xamaasadaysan oo calanka Jamhuuriyadda Somaliland iyo caleemo qoyan lulaya.

Madaxweynaha iyo weftigiisa oo ay hareero socdaan wegen fardo ahi ayaa socod dheer oo luga ku maray shaarica weyn ee magaalada oo ay tubnaayeen dadweyne safaf u taagani oo ay hormuud u yihiin labeenta iyo madax-dhaqameedka gobolka Sool.

Madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi Cabdi iyo Wafti balaadhan oo uu hogaaminayo ayaa inta ay ku sugan yihiin gobolka sool waxay xadhiga ka jaridoonaan mashaariic kala duwan oo horumarineed oo xukuumadu ka hirgalisay guud ahaan gobolka sool 

Category