Madaxweynaha Somaliland Oo Cafis Guud U Fidiyey 594 Maxbuus

Hargeysa(RH):-Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi waxa uu wareegto madaxweyne oo summaddeedu tahay JSL/XM/WM/222-953/112022, uu Cafis Guud u fidiyey Maxaabiista dembiyada fudud ku xukuman ee xabsiyada dalka ku xidhan, Iyadoo laga duulayo faya dhawrka caafimaad ee Maxaabiista, si aanay u saamayn xumaddu.

Waxaanay u dhignayd Wareegtada Madaxweynuhu Sidan:-

 

Wareegto Madaxweyne

Cafis Madaxweyne

Markaan Arkay: Qodobka 90aad, Faqraddiisa 5aad ee Dastuurka Jamhuuriyadda Somaliland;

Markaan Arkay: Qoraalka Taliska Guud ee Ciidanka Asluubta ee summaddiisu tahay TCA/G-1/347/2022, kuna taariikhaysan 07/11/2022, ujeeddadiisuna tahay Soo- gudbin Maxaabiista Cafiska galaya Sannadkan 2022- ka;

Markaan Tix-geliyay: Qoraalka Xafiiska Xeer Ilaaliyaha Guud ee Qaranka taariikhaysan 08/11/2022 u jeeddadiisuna tahay soo- jeedin cafis guud;

Markaan La-tashaday: Hay'adaha ay Khusayso;

Waxaan Go'aamiyay;

In laga bilaabo taariikhda maanta aan Cafis Guud u fidiyo maxaabiista dembiyada fudud ku xukuman ee xabsiyada Dalka ku xidhan oo tiradoodu dhan tahay 594 (Shan Boqol iyo Afar iyo Sagaashan) maxbuus. Cafiskani saamayn kuma laha xuquuqda madaniga ah iyo raad ciqaabeed ee ka dhalanaya dembiyada ay ku xukunnaayeen. Waxa cafiskan fulinaya Xafiiska Xeer Ilaaliyaha Guud ee Qaranka, iyada oo la raacayo liiska Maxaabiista ee halkan ku lifaaqan.

 

Category