Abwaan ku dhintey qarax goordhow ka dhacay Muqdisho

Nairobi (RH)-War goor dhow naga soo gaaray magaalada Muqdisho ayaa sheegaya in qarax xooggan uu ku dhacay dugsiga tababarka booliska ee magaalada Muqdisho.

Warar kala duwan ayaa ka soo baxaya khasaaraha ka dhashay qaraxa.

Ugu yaraan lix qof ayaa la sheegay in ay ku dhimatay qaraxa tiro kale oo intaas ka badan waa ay ku dhaawacmeen.

Dadka dhintey waxaa ka mid ah Abwaan Sugaal Cabdulle Cumar oo ka mid ahaa abwaanada Soomaaliyeed.

Abwaanka ayaa ka tirsanaa kooxda Heegan ee ciidanka.

Goobta qaraxa uu ka dhacay ayaa waxaa ka socday tababar loo furayay ciidamada booliska gobolka Banaadir.

Warar dheeraad ah goordhow halkan ka soco

Category