Warar

Soomaaliya waa dal muddo dheer la daalaa-dhacayay xasarado kala duwan oo ay ka midyihiin; amni darro, iyo nidaamyo dhaqaale oo nugul. Tan iyo burburkii dowladdii dhexe 1991-kii, Soomaaliya waxay la kulantay kala daadsanaan xagga maamulka iyo kaabayaasha adeegyada bulshada sida isgaarsiinta. Si kastaba ha ahaatee, 20-kii sano ee la soo dhaafay waxaa jira horumar ballaaran, iyadoo shirkado gaar loo leeyahay ay la wareegeen bixinta adeegyada isgaarsiinta, gaar ahaan telefoonka gacanta iyo internet-ka.