Radio Hormuud Studio 2 Hargeysa/Somaliland

Ceerigaabo(RH)Mawjado dadweyne ah oo kamid ah shacabka ku dhaqan magaalada Ceerigaabo ee xarunta gobolka Sanaag, ayaa soo dhaweyn ballaadhan ku qaabilay madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi iyo wefti uu hoggaaminayo oo muddooyinkii dambe safar shaqo ku marayey gobollo kamid ah dalka.

 

Hargeysa(RH)Xildhibaanada golaha wakiilada ayaa la filayaa in markii 5aad loo sameeyo muddo kordhin muddo xileedkooda ah, ka dib markii sida muuqata aanay doorahada baarlamaanka iyo deegaanku wakhtigooda ku qabsoomayn.

Golaha wakiilada oo la doortay bishii September ee sannadkii 2005, ayaa sharciyan waxay ahayd inay kuraasta golaha wakiilada ku fadhiyaan shan sannadood oo ku beegnayd sannadkii 2010, laakiin waxa loo sameeyay afar goor oo muddo kordhin ah.

Hargeysa(RH)Jabhada dibad meerka ah ee uu hogaamiyo Kornayl Mahad Siciid Jaamac “Caarre” ayaa weerar ku soo qaaday degmadda Ceel-afwayn oo ka tirsan gobolka Sanaag, weerarkan ayaa waxaa lagu beegsanayay wasiiro ka tirsan xukumadda Madaxwaye Biixi oo halkaasi ku sugan .

wasiiradan la weeraray ayaa kala ah wasiirka Dhalinyarada iyo Ciyaaraha Mudane Boos Mirre Maxamed iyo Wasiirka Shaqo-galinta iyo arrimaha bulshadda Marwo Hinda Jaamac Gaani.