Radio Hormuud Studio 2 Hargeysa/Somaliland

Hargeysa(RH)Fadhigii 30aad ee kal-fadhiga 38aad ee Golaha wakiilada JSL oo uu shir-gudoominayay Gudoomiyaha Golaha Baashe Maxamed Faarax Kana soo qayb galeen 60 xildhibaan ayaa mudanayaasha loogu qaybiyey Xeerka Aas-aasida Hay’adda wadooyinka Somaliland.

Waxa gudoomiyuhu u qaaday Cod odoroska miisaaniyada oo ay la socoto lifaaqa Gudida dhaqaalaha

Waxa Ogolaaday: 46 xildhibaan

Hargeysa(RH)Wasiirka Wasaaradda Warfaafinta, Dhaqanka iyo Wacyigelinta Jamhuuriyadda Somaliland Md. Cabdiraxmaan Cabdilaahi Faarax (Guri-barwaaqo), ayaa faahfaahin ka bixiyey Cashuuro Cusub  Xukuumadu ku soo rogtay Warbaahinta Madaxbanaan

Sidaasna waxa lagu sheegay War-saxaafadeed  ka soo baxay Wasaaradda Warfaafinta, Dhaqanka iyo Wacyigelinta Jamhuuriyadda Somaliland Md, waxaanu u   qornaa sidan:-

Burco(RH)Madaxweyne ku-xigeenka Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Cabdiraxmaan Cabdilaahi Ismaaciil (Saylici) iyo waftigii uu hoggaaminayay ayaa saaka soo kormeeray mashaariic tirro badan oo xukuumadda Somaliland ka waddo xarunta gobolka Togdheer ee Burco mashaariicdan oo laga maal-geliyay barmaamijka maamul-daadajinta iyo horumarinta dagmooyinka ee JPLG-ga loo yaqaanno.

Hargeysa(RH)Wasiirka Maaliyada ee Somaliland Dr.Sacad Cali Shire ayaa golaha wakiilada horgeeyay odoraska miisaaniyada 2019-ka, miisaaniyadan ayaa ay ka muuqdaan xabsiyo badan oo gobalada dalka laga dhisaayo, gunooyin loo kordhiyay garsoorka dalka, xaqal ciidka ciidamada iyo shaqaalaha,mushahar kordhinta wasiirada iyo agaasimayaasha, mishiinada lagu eego tayada cuntada iyo dawooyinka, mishiinka isku xidhaaya khadka tilifoonada shirkadaha dalka, cisbitaalo iyo arimaha biyaha biyaha.

Hargeysa(RH)Xukuumadda Jamhuuriyadda Somaliland ayaa sheegtay in aanay Ammaanka xeebaha dalkeeda u dabo-fadhiisanaynin cid kale, waxaanay shaacisay in iskaashi kasta oo ay sameeyaan dalalka Gobolku aanu dhammaystirnayn haddii aanay Somaliland ku jirin.

Sidaasna waxa lagu sheegay war-saxaafadeed ka soo baxay  Xarunta Wasaaradda Arrimaha dibadda Somaliland kaasi oo Nuqul ka mid ahi soo gaadhay Xafiiska War qabadka Radio Hormuud ayaa waxaa uu u dhignaa sidan:-

Hargeysa(RH)Golaha Dhaqanka Oromada Itoobiya oo socdaal ku yimid dalka  iyo madaxdhaqameedka Somaliland ayaa shir ay ku yeesheen Huteelka Ambassador ee caasimadda Hargeysa, waxay soo saareen war-saxaafadeed wadajir ah oo ay kaga hadleen xoojinta cilaaqaadka labada ummadood iyo sidii loo sii adkeyn lahaa xidhiidhka labada dal.

Hargeysa(RH)Kal-fadhi aan caadi ahayn oo ay maanta yeesheen golaha wasiirrada Jamhuuriyadda Somaliland oo uu shir-guddoominayey madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi, kuna wehelinayey Madaxweyne ku xigeenka Somaliland, Mudane Cabdiraxmaan Cabdilaahi Ismaaciil (Saylici) ayaa lagu ansixiyey odoroska miisaaniyad-sannadeedka 2019-ka.