Radio Hormuud Studio 2 Hargeysa/Somaliland

Hargeysa(RH)Guddida joogtada ah ee golaha Guurtida Somaliland ayaa waydiiyay wasiirka Diinta iyo Awqaafta waxa xukuumad ahaan uga meel yaalla xujayda Somaliland oo dhib ku qabta gudashada waajibkaadka Xajka iyo sidii loogu heli lahaa hab u gaar ah oo Somaliland ku tagto waxaanu sheegay in dadaallo badan oo ay sameeyaan aanay suuro gelin in Sucuudigu aqbalo warqado ay dadka reer Somaliland ku tagaan Xajka.

Hargeysa(RH)Wasaaradda Diinta iyo awqaafta Jamhuuriyadda Somaliland, ayaa markii ugu horreysay imtixaan ka qaadaysa Calaajyada ka hawlgala guud ahaan dalka Somaliland, gaar ahaan caasimadda Hargeysa kuwa ku yaalla oo wejiga koowaad noqon doona, si loo hubiyo goobaha aqoon diineed ahaan iyo tayo ahaanba ku habboon in dad lagu dabiibo iyo kuwa aan u qalmin.

Hargeysa(RH)Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland Muuse Biixi Cabdi, ayaa maanta xafiiskiisa ku qaabilay Aqoonyahan Michael Rubin oo ah madaxa maxadka American Enterprise Intitute isla markaana ah khabiir wax badan ka qoray qaddiyadda madax-bannaanida, Dimuqraaddiyadda iyo horumarka Somaliland ka hanaqaaday oo uu in badan beesha caalamka u bandhigay.