Radio Hormuud Studio 2 Hargeysa/Somaliland

Hargeysa(RH)Maxkamada Gobolka Maroodi-jeex ayaa maanta wax dambi ah ku weyday  Abwaan Cabdiraxmaan Abees oo ka mida ah Hawl-buurada Somaliland isla markaana mudo 42 Cisho ah ku xidhnaa Jeelka weyn ee magaalada Hargeysa.

Maxkamada Gobolka Maroodi-jeex waxay ku dhawaaqday in ay Abwaan Cabdiraxmaan Abees ku weday  dhamaan eedihii iyo Dambiyadii ay Xeer ilaalintu ku soo  oogtey

 

Addis-Ababa(RH)Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland iyo weftigii uu hoggaaminayey,oo goordhaweyd gaadhay Magaalada  Addis Ababa ee Xarunta Dalka itoobiya , waxaa halkaasi si diirran ugu soo dhaweeyey masuuliyiin sare oo ka tirsan dawladda Federal-ka Itoobiya oo ay kamid yihiin wasiirka wasaaradda Maaliyadda Itoobiya, Mudane Axmed Shide, wasiiru-dawlaha wasaaradda arrimaha dibadda, H.E. Mrs.

Hargeysa(RH)Madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi Cabdi ayaa lagu wadaa inuu maalinta bariya  safar shaqo ugu Ambabaxo Magaalada Addis-Ababa ee Xarunta Dalka Itoobiya .

Madaxweyne  Muuse Biixi ayaa la sheegay inuu  marti-qaad rasmi ah ka helay raysal wasaaraha dalka Itoobiya Abiy Axmed.

Waa markii ugu horreysay ee madaxweyne Muuse Biixi Cabdi uu safar ugu baxo dalka Itoobiya tan iyo markii uu xilka qabtay Abiy Axmed.

Hargeysa(RH)Gudoomiye ku xigeenka 2aad ee xisbiga Kulmiye Axmed Cabdi Dheere oo goordhaweyd warbaahinta la Hadley ayaa  shaaca ka qaaday  in dib loo dhigay shirweynihii  golaha dhexe ee xisbigaasi Kulmiye  oo lagu waday inuu magaalada Boorama ee Xarunta Gobolka Awdal ka furmo 23 Bishan .

Gudoomiye ku xigeenka 2aad ee xisbiga Kulmiye Axmed Cabdi Dheere waxaa uu sheegay in dib u dhac ku yimid Shirkaasi mudo laba maalmood ah.