Radio Hormuud Studio 2 Hargeysa/Somaliland

Jig-jiga(RH)Madaxweynaha DDSI Mustafe Muxumed Cumar Ayaa Xafiisiisa ku qaabiley Wafti Wasiiro ah oo ka socday Somaliland,kuwaasi oo maalmihii la soo dhaafay socdaalka shaqo ku joogay Magaalada Jigjiga .

Hargeysa(RH)Allah ha u naxariistee lix qof ayaa ku dhintay, Sagaal qof oo kalena way ku dhaawacmeen inta la ogyahay daadad ka dhashay roob xoogle oo xalay ka da’ay magaalada Hargeysa iyo Nawaaxigeeda, sidaasna waxa shaaciyey Wasiirka Arrimaha Gudaha  Jamhuuriyadda Somaliland Md. Maxamed Kaahin Axmed oo warbaahinta kula hadlayey Magaalada Hargeysa.

Hargeysa(RH)Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi, ayaa kulan Afur iyo casho isugu jira  xalay u sameeyey culimada waaweyn ee reer Somaliland kuwaas oo isaga kala yimi gobollada iyo degmooyinka dalka.