Radio Hormuud Studio 2 Hargeysa/Somaliland

Hargeysa(RH)Wafti uu hogaaminayo Wasiirka Wasaarada Horumarinta Beeraha Md. Axmed Muumin Seed oo ay ku weheliyaan madaxda ha’yada jarmalka ah ee fulinaysa mashuurca CES, ayaa kormeer ku maray goobaha uu ka socod mashuurca ciida iyo biyo qabatinka Biji.

Mashruucan oo uu maalgalinayo baanka Horumarinta Jarmalku ayaa waxa uu ka bilaabmay deegaano ka mid ah Gobolka Gabiley.

 

Hargeysa(RH)Kal-fadhigii 36-aad ee golaha wasiirradda Jamhuuriyadda Somaliland, oo uu shir gudoominayey Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi, kuna wehelinaayey Madaxweyne ku xigeenka Somaliland, Mudane Cabdiraxmaan Cabdilaahi Ismaaciil (saylici), ayaa maanta oo ay taariikhdu tahay 13/06/2019, waxa warbiximo lagaga dhegeystay wasiiradda wasaaradaha shaqo-gelinta, arrimaha bulshada & qoyska iyo Isgaadhsiinta & Tiknoolajiyadda.

 

Tuka-raq(RH)Wararka naga soo gaadhaya Magaalada Laas-caanood ee Xarunta Gobolka Sool ayaa sheegaya in xalay   Abaarro 2-dii habeennimo uu dagaal bariga deegaanka Tuke-raq ee Gobolka Sool ku dhex maray Ciidammada Somaliland ee halkaa fadhiisimada ku leh iyo Ciidamo la sheegay inay ahaayeen kuwa Maleeshiyaadka Khaatumo.

 

Hargeysa(RH)Wasiir ku-xigeenkii Hore ee Wasaarada Ganacsiga iyo Maalgashiga Somaliland Xukuumadii Madaxweyne Silaanyo Kaysar Cabdilaahi Maxamed ayaa Qoraal Uu soo-saarey waxaa uu si qotodheer ugaga Hadley Mashruuca Tayeynta Shaqaalaha Somaliland ee uu Baanka Aduunku ku Maalgaliyey Toban milyan oo Doollar kaasi oo la sheegay in mashruucaasi loo fulin sidii loogu talagay oo la Musuq-maasuqay