Radio Hormuud Studio 2 Hargeysa/Somaliland

Hargeysa(RH)Mudanayaasha Golaha Guurtida Somaliland ayaa guddi u saaray warqadii muddo kordhinta ee golaha Wakiillada Somaliland.

fadhigan oo uu shir gudoominayay gudoomiyaha golaha guurtida Somaliland Md Saleebaan Maxamuud Aadan  ayaa gudoomiyuhu waxa uu u saaray guddi ko kooban 27 xildhibaan oo ay wehelin doonaan shir gudoonka golaha guurtidu  si loo soo naaqisho warqadaasi mudo kordhinta ah ee golaha wakiilada loo samayn doono.

Hargeysa(RH)Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi, ayaa maanta jawaab ka bixiyey  Tabashada uu hoggaanka xisbiga mucaaridka ah ee WADDANI ka keenay xubnaha cusub ee Komishanka Doorashooyinka Somaliland ee ay dhawaan ansixiyeen golaha wakiillada Somaliland.

 

Hargeysa(RH)Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi, ayaa maanta xadhigga ka jaray carwo dhinaca caafimaadka ah oo laga hirgeliyey magaalada Hargeysa, taas oo lagu soo bandhigayo dhibaatooyinka caafimaad ee dalka ka jira, dedaallada iyo horumarka ay ku tallaabsadeen bahda caafimaadka ku hawlani.

 

Hargeysa(RH)Madaxweyne ku xigeenka Jamhuuriyadda Somaliland Mudane, Cabdiraxmaan Cabdilaahi Ismaaciil (Saylici) ayaa maanta daah furay shirka Dibu-eegista Waxbarashada Qaranka oo lagu qabtay Caasimadda Hareysa, shirkan oo ay soo agaasintay Wasaaradda Waxbarasahda iyo Sayniska ayaa waxaa kasoo qayb galay Wasaaradaha Qorshaynta iyo horumarinta qaranka iyo shaqo gelinta, Arrimaha Bulshada iyo qoyska qaar kamida Hay’addaha Caalamiga ah, Xildhibaano ka tirsan Golaha Wakiilada.

 

Addis Ababa(RH)Guddoomiyaha Baanka Ganacsiga CBE ee Itoobiya Mr.Bacha Gina, ayaa shaaca ka qaaday inay qorsheynayaan inay Jamhuuriyadda Somaliland ka furtaan Laan cusub sannadkan, taasi oo qeyb ka ah himiladda Baankaas oo ku taamaya inuu dalalka caalamka furto laamo kala duwan.

Hargeysa(RH)Wasiirka Wasaaradda Gashaandhiga Jamhuuriyadda Somaliland Md. Cabdiqani Maxamuud Caateeye ayaa ka warramay daryeelka iyo kor u qaaddida caafimaadka ciidammada Qaranka Jamhuuriyadda Somaliland.

Wasiirka Gashaandhiga Somaliland Cabdiqani Maxamuud Caateeye wuxuu sheegay in xukuumadda Somaliland iyo taliska Ciidammada Qarankuba ay heegan u yihiin sidii kor loogu qaadi lahaa daryeelka ciidammada Qaranka Somaliland dhankasta, gaar ahaana dhinaca caafimaadka.