Radio Hormuud Studio 2 Hargeysa/Somaliland

Gabiley(RH)Hay’adda Horumarinta Kalmooyinka ee dalka Turkiga (TIKA) ayaa shaacisay inay Jamhuuriyadda Somaliland ka hirgelinayso mashaariic kor loogu qaadayo dhinaca Beeraha.

 

War qoraal ah oo ay soo saartay Hay’adda Horumarinta Kaalmooyinka Turkiga Ayay ku sheegtay  inay  Somaliland ka fulinayso  mashruuc looga gol leeyahay kor u qaadista tayada iyo tirada dallagyada beeraha iyo xoolaha si looga gaashaanto  mustaqbalka  saameynta abaaraha.

 

Ceerigaabo(RH)Taliyaha ciidamadda booliska Somaliland ayaa shaaciyay in ay dejiyeen qorshe la doonayo in dib-u-habayn aqooneed lagu sameeyo ciidamadda booliska Somaliland

Sareeye guuto Maxamed Aadan Saqadhi (Daba-gale), waxa uu sheegay in ay dejiyeen qorshe shan sanadood ah oo la doonayo in lagu dhiso ciidamadda booliska ay boolisku u noqdaan ciidan shacabku ka haybaystaan.

Hargeysa(RH)Fadhigii 52aad ee golaha wasiirrada Jamhuuriyadda Somaliland oo uu shir-guddoominayey Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi, kuna wehelinaayey Madaxweyne-ku-xigeenka Somaliland, Mudane Cabdiraxmaan Cabdilaahi Ismaaciil (Saylici), ayaa maanta lagaga dooday xeerar cusub, iyada oo sidoo kalena lagu ansixiyey xeer in muddo ah ay goluhu ka doodayeen.

Hargeysa(RH)Ciidanka Nabadgelyada Waddooyinka Jamhuuriyadda Somaliland, ayaa si rasmi ah u bilaabay hawlgal ay ku qabqabanayaan gaadiidka basaska ah ee aan fulin baaqii ay hore ugu soo jeedisay Wasaaradda Gaadiidka iyo Horumarinta Jidadka ee ahaa inay gaadiidkooda ku xidhaan qalabka xakameeya xawaaraha baabuurta dadweynaha qaada.

 

Hargeysa(RH)Dawladda Jamhuuriyadda Somaliland ayaa shaacisay in aan baddaheeda u daba fadhiisanaynin in cid kale faro-geliso, maadaama oo xeebta dheer ee Somaliland tahay mid ka caagan budhcad baddeeda iyo Argagixisada.

Sidaasna waxa lagu sheegay war-saxaafadeed ay soo saartay Wasaaradda Arrimaha Dibadda Somaliland oo dhignaa sidan:-

Hargeysa(RH)waxaa maanta Xarunta qasriga madaxtooyada Somaliland lagu kala saxeexday heshiiska mashaariicda maamul-daadejinta JPLG-da ee waxbarashada iyo caafimaadka ugu jira degmooyinka Hargeysa, Berbera, Boorama, Gabiley, Burco iyo Saylac oo sannadkan kusoo biirtay.

 

Hargaysa(RH)Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Gaadiidka iyo Horumarinta Jidadka JSL Cumar C/laahi Aadan  oo uu weheliyo Taliyaha Ciidanka Nabadgalyada Wadooyinka Maxamed Cige oo si wadajir ah ula hadlay Warbaahinta ayaa sheegay in Wajigii koowaad ee hirgalinta barnaamijka gaadiidka loogu xidhayey  qalabka xadiddaada xawaaraha  ee lagu bilaabay basaska rakaabka u kala qaada dalka gudihiisa iyo dibadiisaba uu ku egyahay 05 January 2020, waxaanay cadeeyen inaan wakhtigaas gaadhi rakaab sida oo aanu ku xidhnayn Qalabka Qadidaada Xawaarahaa (Speed Governor) ka gudb