Radio Hormuud Studio 2 Hargeysa/Somaliland

Hargeysa(RH)Allah Ha U Naxariistee Qofkii 25aad ayaa xalay Magaalada Burco Ee Gobolka Togdheer Ugu Geeriyooday Xanuunka Covid-19,Qofkan Geeriyooday ayaa ahaa nin da'diisu ahayd 52 jir.

 

Geesta kale Baadhitaanadii ay Wasaarada Caafimaadka Somaliland Samaysay 24kii saacadood ee u danbeeyey laguna Baadhay 83 qof ayaa waxaa xanuunka Coronavirus laga Helay 19 qof kuwaasi oo dhamaantood ah Somalilander. Bukaanadan ayaa kala ah  12 qof  oo rag ah , iyo 7 qof oo  dumar ah

 

Laascaanood(RH)Wasiirka wasaaradda warfaafinta, dhaqanka iyo wacyigalinta Jamhuuriyada Somaliland Saleebaan Yusuf Cali Koore oo ay weheliyaan, xildhibaano ka tirsan goleyaasha Baarlamanka, maamulka heer gobol iyo degmo ee gobolka Sool iyo sidoo kale gudoomiyeyaasha Xisbiyada Mucaaridka ee gobolkaasi, ayaa warbixin ka dhagaystay bahda caafimaadka ee gobolka Sool, kulan lagu qabtay Cisbitaalka Magaalada Laascaanood.

Hargaysa (RH):- Ayax aad u fara badan ayaa laga soo sheegayaa in uu ku habsaday dhul baaxadiisu dhan tahay 12700 hector dhamaanba goboladda Somaliland.

Ayaxasi oo ka dilaacay korontii uu dhalay Ayaxii bishii June ee sanadkii hore  Somaliland oo dhan ku habsaday. Isagoo Ayaxu sida caadiga ah Ugaxaantiisa ku aasa meelaha xeebaha ah.

Bali-gubadle(RH):- Wafti uu hogaaminaayo Wasiirka Wasaaradda Gaadiidka iyo Horumarinta Jidadka oo ay xubno ka yihiin Wasiirka Wasaaradda Diinta iyo Awqafta, Maareeyaha Wakaaladda Harumarinta Wadooyinka, Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Gaadiidka iyo Guddiga gacanta ku haysa dhismaha wadadaasi ayaa kor-meeray deegaamada ay ka socdaan shaqada dhismaha  wadadaasi.

Buuhoodle(RH)Hal ruux ayaa ku dhintay mid kalena waa uu ku dhaawacmay deegaanka Gocon-dhaale, oo dhinaca waqooyi kaga began degmadda Buuhoodle, kadib markii koox hubeysani  ay weerar  qaadeen, dad rayida.

Sidoo kale waxaa la sheegay in weerar rogaal celin ah  ay koox kale ku qaadeen magaalaada Buuhoodle, kuwaasi   oo ay isku hayb yihiin kuwii weerarka geystay  taas oo sida la sheegay laba qof ku dhaawacmeen.

Hargeysa(RH)Ururka Suxufiyiinta Somaliland (SOLJA), isagoo ka duulaya wax ka qabashada kaalinta kaga beegan masiibadda xanuunka COVID-19 ee dunida ku habsaday, gaar ahaan dhibaatadda uu ku keenay Ummadda Somaliland, waxaannu wax ka qabanay Wacyigalinta iyo Jihaynta Suxufiyiinta Somaliland Bad-qabkooda iyo Bad-qabka bulshada reer Somaliland.