Radio Hormuud Studio 2 Hargeysa/Somaliland

Hargeysa(RH):-Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, ahna guddoomiyaha xisbiga KULMIYE, Mudane Muuse Biixi Cabdi, ayaa daah-furay shirka Toddobaad ee golaha dhexe ee xisbiga KULMIYE oo maanta Hargeysa ka furmay, islamarkaana lagu doortay hoggaan uu golahaasi yeelan doono shanta sanno ee soo socda, iyaga oo sidoo kalena ansixiyey xoghaye guud iyo xubnaha guddida fulinta xisbiga oo uu madaxweynuhu soo magacaabay.

Borama(RH):-Wasiirka wasaaradda horumarinta caafimaadka Somaliland Cumar Cali Cabdillaahi Badde, ayaa ka hadlay soo laba kacleynta xannuunka safmarka ah ee Covid-19, iyo tallaabooyin ay qaadeen dalalka derisku.

Wasiirku waxaa uu bulshada u diray fariin la xidhiidha ka hortaga xannuunka safmareenka ah ee Covid-19, iyada oo xiligan lagu jiro wakhtigii qaboobaha una nugul yihiin dadka xannuunada kale lihi.

Dubai(RH):-Madaxweyne ku xigeenka Jamhuuriyadda Somaliland Md Cabdiraxmaan Cabdilaahi Ismaaciil  Saylici oo ku sugan wadanka  Isu Taga Imaaraadka Carabta ayaa faah faahin ka bixiyey fursadaha maalgashi  ee Somaliland ka jira, waxaanu sidaas ku sheegay waraysi uu siiyey telefishanka SKY News qaybtiisa Carabida .

Muqdisho(RH):-Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Maxamed Xuseen Rooble ayaa Caawa  ku dhowaaqay Golaha Wasiirada Cusub ee xukuumaddiisa.

Liiska wasiirada ayaa waxaa ku jira xubno cusub, halka qaar ka mid ah wasiiradii hore ee xukuumadda ra’iisul wasaare Xasan Cali Kheyre dib loo soo celiyey, waxaana meesha ka baxay wasiir miisaan culus ku lahaa xukuumaddii hore

Magacyada Wasiirada

Burco(RH)Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi oo ay wehelinayaan xubno kamid ah golaha wasiirrada, xildhibaanno, siyaasiyiin iyo haldoor kale oo bulshada ah, ayaa maanta farxadda kala qaybgalay 499 (Afar boqol iyo sagaashan iyo sagaal) Arday oo sannadkan ka qalinjebisay jaamacadda Burco, kuwaas oo ah dufcaddii 10-aad ee wax ka barata Jaamacadda.