Waa kuma safiirka cusub ee DF Soomaaliya u magacowday Masar

Cairo (RH)-Magaalada Qaahira ee xarunta dalka Masar waxaa xaley soo dhaweyn loogu sameeyay danjiraha cusub ee Soomaaliya u magacowday dalkaas Cali Cabdi Awaare,

Soo dhaweynta safiirka cusub ayaa waxaa ka qeybgalay madax ka ka tirsan dowladda Masar, safiirka dalk Jabuuti ee dalka Masar, diblomaasiyiin iyo xubno ka tirsan jaaliyadda Soomaaliya ee dalka Masar.

Danjiraha cusub ayaa tan bishii July sannadkii 2022-kii waxa uu ahaa la taliyaha arrimaha dib u heshiisnta ra'iisal wasaare Xamse Cabdi Barre, waxa kale oo horre wasiir uga soo noqday maamulka Puntland.

Xilka cusub danjiraha waxaa u wehliya wakiilka Jaamacadda Carabta u fadhiya Soomaaliya.

Danjire Cali Cabdi Awaare oo lagu soo dhaweeyay Qaahira



Danjire Cali Awaare waa nin waayo arag ah oo 30kii sanno ee la soo dhaafay ku jiray siyaasadda Soomaaliya, waa mulkiilaya raadiyaha iyo telefishanka SBC Somali TV ee fadhigiisa uu yahay magaalada Booosaaso, waa ganacsade caan ka ah deegannada Puntland.

Radio Hormuud

Studio 3

Nairobi Kenya

Category