Somaliland Oo Canbaareysay Socdaalka Cabdiweli Gaas Ee Gobolka Sanaag

Hargeysa(RH)Dowlada Somaliland ayaa Canbaareysay socdaalka madaxweynaha maamulka Puntland Cabdiweli Gaas ku maraayo deegaanno ka tirsan gobolka Sanaag.

Shir jaraa’id oo ay si wada jir ah u qabteen madaxweyne ku-xigeenka Somaliland Cabdiraxmaan Ismaaciil Saylici, guddoomiyaha xisbiga Waddani Cabdiraxmaan Cirro iyo guddoomiyaha xisbiga Ucid Faysal Cali Waraabe ayay si wada jir ah ugu canbaareeyeen socdaalkaasi madaxweynaha maamulka Puntland. Waxa kale oo ay  ku sheegeen in maamulka Puntland ku soo xad-gudubay dhulka Somaliland .

Madaxweynaha maamulka Puntland Cabdiweli Gaas ayaa maanta  isaga iyo wefti uu hoggaaminaayo ay socdaal dhulka ah ku yimaadeen magaalada Badhan ee gobolka Sanaag, halkaasi oo lagu soo dhaweyay.

Waa markii ugu horeysay ee madaxwayne maamulka Puntland ahi yimaaddo maagalada Badhan oo labada dhinacba sheegaan (Somaliland iyo Puntland) in ay ka tirsan tahay dhulkooda.

 

 

Category