Dowlada Jabuuti Oo Beenisay In Hub Sharci-Darro Ah Geliso Suuqyada Soomaaliya

Jabouti(RH)Dawladda Jabuuti Ayaa waxay iska fogeysay eedo caalami ah dhawaan loo jeediyey oo la xidhiidha in xubno ka mid ah dawlad, ganacsato iyo shirkaddo kontarabaan ah oo laga leeyahay dalka Jabuuti hub sharci darro ah geliyaan Soomaaliya.

 

Warbixin ay soo saartay shirkadda laga leeyahay dalka Ingiriiska ee EXX Africa, ayay ku sheegtay in saraakiil ka mid ah dawladda, ganacsato iyo xubno kale ay si dadban hub sharci-darro ah ku geliyaan suuqyada Soomaaliya.

 

Qoraal ka soo baxay wasiirka arrimaha dibadda dalka Jabuuti, Maxamuud Cali Yuusuf ayaa dalkiisa ka difaacay eedaha loo jeediyay.

 

Maxamuud ayaa sheegay in Jabuuti warbixinta laga qoray aysan raad lahayn islamarkaana dalkiisa ka go’antahay nabadda iyo deganaanshaha gobolka.

Category